Ammaanka Xarumaha Dowladda iyo Hoteelada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay

image

 

 

 

 

 

 

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Xarumaha Dowladda iyo Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho, xilli ay soo dhawdahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo laga cabsi qabo in Ururka Al-Shabaab ay Magaalada Muqdisho ka geystaan qaraxyo waaweyn.

Marka aad socoto wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxaa indhahaaga qabanayaan Dhagxaan waaweyn iyo Bira waaweyn oo adag, kuwaasi oo lagu gooyay Gidaarada Xarumaha Dowladda iyo Hoteelada Muqdisho ku yaalo.

Goobaha sida weyn loo adkeeyay ammaankooda, waxaa kamid ah Xarunta Wasaarada arimaha Gudaha Oto Oto oo ku taalo Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi la dhigay Biro waaweyn oo nooca Koontaroolada la dhigo ah iyo dhagxaanta shubka ah oo waaweyn.

Sidoo kale goobaha ammaankooda sida weyn loo adkeeyay waxaa kamid ah Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo 24-kii Bishii aan soo dhaafnay Al-Shabaab ay ka geysteen weerar Abaabulan, kaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo askar Booliis ah u badnaa.

Ciidamada Amisom ayaa halkaasi waxa ay ka dhisteen Difaac adag oo meel sare ah waxaana Darbiyada kasokeeya Xarunta Golaha shacabka ay ka dhisteen Difaacyo Dhagaxyo iyo Carooyin isugu jira oo ay usii dheertahay in silig lagu wareejiyay.

Ilinka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale ammaankeeda aad loo adkeeyay waxaana halkaasi la dhigay ciidamo badan oo Dowladda ka tirsan, sidoo kale waxaa la badiyay Biraha dhaadheer ee Koontaroolada loogu talo galay.

Meelaha kale ee ammaankooda la adkeeyay waxaa kamid ah Hoteelada Muqdisho qaarkood oo ay degan yihiin madax ka tirsan Dowladda iyo Xildhibaano, waxaana la arkayaa Dhagxaanta Waaweyn ee shubka ah oo Darbiyada Hoteelada la dhigay.

Sidoo kale ciidamo u gaar ah ilaalada Hoteelada ayaa la yuurara Qoriga Ak-47 oo qofkii dhankooda usoo dhaqaaqa ay kula boodayaan, iyaga oo su’aalaya waxa uu qofkaasi Hoteelka uu ka doonayo ama danta uu ka leeyahay inuu galo.

Amuurahaan ayaa muujinaya sida weyn ee feejignaanta amniga uga jirto Xarumaha Dowladda, xilli laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhawaan ay shaaciyeen in Bisha Ramadaan ammaanka Muqdisho si weyn loo adkeynayo oo ciidamo gaar ah loo yeelayo.

Al-Shabaab ayaa Bisha Ramadaan fuliyay dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan, iyaga oo ku sheega kordhinta weeraradaasi kuwa ay ku cibaadeysanayaan sida ay aaminsan yihiin.

Salaanmedia/Mogdisho