Anigoo ah suladaanka guud ee North America ee beelaha Dir waxaan ugu baaqayaa maamulka 6da gobol iyo dadka dulman ee koonfurta degan in aad u diyaar garowdaan iska caabinta dadka dhul boobka ah

image

Suldaan Abdirazak Yassin Maxamed
Suldaanka Guud ee beelaha dir ee waqooyiga Ameica
Ku:
Maamulka 6 da gobol ee digil iyo mirif
Og:
Dhamaan inta xumaha neceb wanaagana jecel
Waxan anigoo ku hadlaya magacayga ka Beelaha dir ka dadka samaha jecel aan u jeedinayaa dadka xumaanta jecel ee dagaalada laga soo gudbay 90 eeyadii hadana dib u soo nakhtiimay ay ka waan toobaan dagaalada iyadoon qofna dhulkiisa xoog looga qaadi karin balse ka madax dhaqameed ahaan aan ku jooga mar walba nabada hala dhowro waxaase la yidhi lugtii jeeni dhaafraa way jabtaa, waxaa aan idiaacadaha kamaqlaayey madax dhaqameed uu ugu horeeyo Axmed Diiriye oo ah gardaro garab Og.
Waxaan dhamaan dadka ku abtirsada magaca Dir meel uu doonoba ha joogee aad maqasheen aragteen ficil laydin tusay hadaba waxaan usoo jeedinayaa in aad wixii taakulo ah ee aad dadkaa dhiig baxaya gaadhsiin kartaan af, adin , intaba ku soo biirisaan dhul ayaa la doonayaa in la boobo dadkii lahaa laga dhaxal wareejiyo iyagoo nool oo soo taagan waxaa hawiye go’aansaday in beesha abgaal loo daayo xamar habar gidirna laysu dhaafiyo shabeelaha hoose waana heshiis ay hada gaadheen oo marag ma doon ah .
Waxaan ku baraarujinayaa dadka samaha jecel ee Digil iyo mirif ee degaanka aan wada degno ee maamulka 6 da gobol in ay u diyaar garoobaan sidii dadka gobolda dhexe looga soo daad guraynayo laysaga difaaci lahaa waxaa dagaal qaawan oo aan waayeel caruur dumar aan midnaba loo aabbo yeelayn lagu soo qaaday dadkii degaanka Marka deganaa waxaa iyadoo shaadh dawladeed lagu adeegsanayo Madaxweyne ku sheega xassan uu ku soo hubeeyey dadkii masaakiinta ahaa ee degaanka, waxaa la wadaa waa dhul boob iyo maanta yaa degaan laga eiixan karaa bal hadaba cidii wax laga riixan karo aan dhowro.
Annagu ma nihin dad xaqa bani’aadamka duudsiya, wax dhaca, balse waxaan nahay kuwo hadii xad gudub loola yimaado aan dhirbaaxo quudheed dugasan ee mid aan laga soo waaqsan gaysta waxaanu leenahay waar dhiigiina ma rabno in aanu idinku aakhiro seeegno marabno , in aanu somalinomada iyo isjacaylka jarno, qaraabo iyo xigaalnimada joojino midnaba ma rabno balse hana kelifina oo waxaanaan u jeedin faraha ha noo gelinina, dhulkeena noo dhaafa maaha kow oo laba maaha oo saddex maaha hadaad se sii wadaan waa laysu joogaa nin walba wixii calafkii noqdo.
Waxan u soo jeedinayaa dawladaha Jabuuti, Somaliland, in aanay arrinta ka aamusin ee ay faraha la soo galaan waxii caawino ahna la soo gaadhaan dadkaa la xasuuqayo ee dhulkoodii lagu laynayo waa in dir meel uu joogoba ciidan iyo maal wixii ay hayaan isugu geeyaan deegaanka dhibtu ka taagan tahay waxaan samayn doonaa abaabul iyo meelo deeqaha lagu soo hagaajiyo waxaana idiinka soo sheegi doonaa gadaal.
Allaa mahada leh
Sildaanka Guud ee Beelaha Dir
North America
Sildaan Abdirazak Yassin Maxamed