Arjiilihii Sharciga Dadka Ku Dhiigmiiran Jiray Iyo Waayihiisa Miyiga Iyo Magaaloba Qaybtii 1-Aad Qalinkii Dabeecad AW Cismaan

unnamed
Waa shaqsi xumaan xiqdi iyo weliba xaasidnimo Buuxisay wuxu caadaystay wax ka sheega dadka wanaagsan wuxu ku shaqaysta mihnada Arji qorista/nootayayste waa konton iyo dhowr jir ka dhacay nolosha oo ka’ab ka’ab hidaysanaya Dhaqan aan suubanayn.
waa dadkii da’yarnimadiisa kusoo barbaaray jabhadaynta iyo weliba bililiqaysiga xoolaha umadda intabadan waxa uu noloshiisa kusoo qaatay tuulooyinka Ceerigaabo ku hareeraysan.
Arjile Qalaaf waxa uu ku shaqaysiga mihnada aanu aqoonta badan ulahayn ee nootayada ku bilaabay miyiga waxana uu geed hoosti ku kala furay dhawr qoys oo uu warqada ukala qaaday isagoo irsaaqad ku raadinay sharciga,
Waayihii miyiga iyo Arjiile Qalaaf waxa laga weriyaa in uu reero badan oo uu kala qaaday warqad furiinka isagu u haystay inta ay ka bixinayaan xoogaga gunada ah kadibna uu siin jiray marka ay lacagtaasi bixiyaan halka dad qaarkood sheegaan in uu kuwoodi qaatayba.
Mudo badan Qalaaf markii uu miyiga mood iyo noolba xaalufiyay waxa uu biloowgii sideetaneeyadii usoo diga rogtay Magaalada Ceerigaabo waxa uu dabada sii hayay ku qadhaabsiga arjiile nimada uu geedka hoostiisa iyo miyiga kusoo bartay maxkamadaha ayuu warqado nabnab ah kasoo goostay si uu sharciga ugu gabado bulshada uno hodo umadda islaamka ah.
Dadka xogta badan u haya inbadana ka ag dhowaa goobaha ama sandaqadihii uu teebku u ooli jiray Qalaaf ayaa laga weriyaa inay sheegaan sheko ka fajicisay dadkii dhegahoodu maqleen.
Waxay weriyaan in waa waayaha kamid ah Qalaaf uu Oday tinimo soo baday Nin ay Xigto yihiin si uu garnaqsi uga galo xiisad dhex taal isaga iyo gabadhiisa oo Markaa magaalada degaan kadibna uu ceesh ka deyay burburinta qoyskaasi kulana taliyay in ay kala tagaan xiligaasi wada Dabayaaqada Sideetayeenadi waxa la sheega in uu ninkaasi ka cadhooda si xun ufekerka Qalaaf uuna isku deyay in uu toogto balse ilaahay ka badbaadiyey.
Qalaaf in badan waxa uu kusoo ceeshayay Dhigmiirashada umada waxana u hada ku darsaday shaqaddi xumayd ee u hayay wax ka sheega mudanka iyo dadka aan geyin xumaanta iyo xiqdiga isaga quluubtiisa buuxiyay.
La Soco sheekooyin badan oo daaha ka faydaya Noloshi magaalada Ee arjiile QALAAF iyo Weliba muuqaalo xambaarsan dhaqan xumooyin uu sameeyay
Qalinkii Dabeecad AW Cismaan