Baaq lagaga been abuurtay beesha jibril abokor ee Subeer awal

Baaq lagaga been abuurtay beesha  jibril abokor ee Subeer awal

been-abuur

Waxa dhawaan lagu soo daabacay boggaga internedyada baaq la yidhi waxa soo saaray qurbajooga reer gabiley ee jibril abokor. Kaas oo ay ku taageersan yihiin go’aankii leexsanaa ee goolaha guurtidu sida cad ugu eexday madaxwaynaha  haatan jirta iyagoo dhanka kalena duray beelwaynta Subeer awal iyo odayaashooda shirarka joogtada ah qabanaya si ay u cadeeyaan dulmiga iyo cadaalad darrada lagu hayo beeshan Subeerawal.

Haddaba iyadoo baaqan aanu ku qornayn magaca qofkii ama guddidii soo saartay ayaan waxa halkaa ka cad inuu yahay waxba  kama jiraan aan  soo qaad lahayn waxaanay u badan tahay  inay dawladu soo qortay iyagoo shaadh qabiil soo xidhanaya.

Haddaba ciddi kastaaba ha soo qortee waxaanu halkan ka caddaynaynaa in dadka reer Gabilely yihiin reerka kaliya ee tan iyo dawladan jirtay loogu tuntay xuquuqdoodii siyaasadeed, bin aadanimo, dhaqaale si aan cid kale loogu tuman

Waa degaanka kaliya ee haldooradiisii la isku badilay tiro kun jeer ka badan inta reeraha kale siyaasi ama qof xil hayay laga qaaday.

Waa degaanka kaliya ee muddo ka yar saddex bilood la isku badilay taliyayaashii ciidanka, waa ummada kaliya ee siyasoogiidii oo ku magaacban la taliyaha madaxwaynaha dhanka siyaasad jeel la dhigay. Waa beesha kaliya ee dhulkooda oo cashuurta ugu badan ka soo baxdo maanta maamulka gabiley kaga jiro dayn.

Haddaba ninka soo qoray baaqan salka iyo raadka lahay  ee been abuurka ah waxaanu u sheegaynaa haddii u hilmaamsan yahay in gabiley tahay halkii ugu horaysay ee laga nacay madaxwaynaha oo kab loo taagay.

Maanta reer gabiley waxay qayb ka yihiin walaalahooda subeer awal oo dawaladan aan haba yaraate wax taageera u hayn. Reer gabiley way garab taagan yihiin, taageersanahay dhawaaqyada ka soo yeedhaya cuqaasha iyo waxgaradka subeer awal oo dantoodu iyo aayahoogu meel kaliya wada yihiin iyo ee adigu haddi aad jeceshahay xor ayaad u tahay inaad taageerto xirsi iyo kooxdiisa ee  ha ku soo daba dhuuman bayaan iyo baaq aan sal iyo raad lahayn iyo beel aanad matilin , meel jibril abokor ku shirayna aanay jirin haba yaraatee. Haddi ay runtaa tahay waxa lagaaga fadhiyaa caddayntoodii

 

Khaddar bashir