Berrito ma foga ee reer Somaliland’ooow. Kulmiye yaa u cid ah?

MAQAAL

 

 

 

Berrito ma foga ee reer Somaliland’ooow. Kulmiye yaa u cid ah?
Maahmaah soomaaliyeed baa tidhaada ”ninka waxa jooga aan garani, waxa soo socdana ma garto”. Hadii maanta khilaafka kulmiye lagu xalyo maslaxaad, ladqabayn, qoorqabad iyo isku tanaasul baritoole maxaa la yeelayaa. Sow nin si sharciga baalmarsan kusi ku raadinyaa marmarsiinyo keeni maayo oo ileyn geed uu ku xoqdo ma waayee darka soo jiidhi maayo. Xagee loo kacayaa markaa? Maxaa inoo diiday in aynu noqono dad mar uun sharciga isku xukuma oo wuxuu sharcigu ina farayo qof kasta intoo buuga loo furo loo odhan la’yahay GARI ALE AYAY TAQAANAA OO ADEEROOW GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISEE WAA TAAS GARTAADII.
Akhristoow waxaan is weydiiyaa hadii maanta xal la helo oo lagu guuleysto in madaxdan sharciigii intay laabeen qardajeexaya la isku keeno sow beritoba markay 5tan sanno dhamaadaan iskuma laba kaclaynayaan?
Waxa kale oo iyana aan is weydiiyaa haddhow marka Cabdi-waraabe iyo Saleebaan godgalaan Madaxweyne Siilaanyona ileyn waad aragtaaye isna ka daba galo kulmiye cida kala qabanaysa ee odhanaysa ”waar toloow colka jooja”?
Tukalena waa yaabee toloow waa kuma ninka hadii maanta la maslaxo Ina Biixi barito ku odhani waar kaadso tobansano ayaad gudomiye ahayde, sow sidiisii odhan maayo ”Anigoo wax dili kara, duco qaadan maayo” ?
Yaa Ina Biixi iyo Sheekh Samaale u garqaadya markay iyaguna seefaha iskula baxaan?
Akhristoow waxba yaanan su’aalo kugu dawakhine xaalku waa kala guur iyo in sariirihii waadhka ee uu Mj Cali Gurey sheegayay la sii diyaariyaa.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka kulmiye anigu waxaan u kala qaybiyaa saddex qaybood.
Midi waa ka koobaade waa kan isafgarasho la’aanta sharciga.
Midina waa qodobadii ka soo baxay shirweynihii 3aad ee kulmiye.
Midina waa kan sadexaad oo hadii runta halkeeda loogu tago anigu aan u arko khilaafka dhabta ah oo ku saabsan gacan ku hayta xisbiga, marka garo oo labadan kor ku xusan afkuumbaa laga sheegaaye waa uun iska af gobaadsi iyo maqaarsaar.
Hadaba kan sharcigu inkasta oo uu adagyahay si uun baa loogu kala bixi lahaa hadii lala kaashado hay’adaha xeer ilaalinta iyo gudida diiwaangelinta axsaabta iyo ururada siyaasadeed. Kan ku saabsan qodobada ka soo baxay shirweynihii 3aad ee xisbigana in la isku wareeriyoba maahee waxay ahayd in warbaahintu daaha ka feydaan oo ileyn way duubteen wixii shirka looga gacantaagye ay qodob qodob u soo ban dhigaan ayay ahayd. Labaadsi iyagu markaa waa kuwo la xalin karo baan u arkaa.
Qodbka ay adgtahay in xal loo helo oo ah kan kaba danbeysta aan ka baqayo in uu noqdo wedka kulmiye ee qodaya xabaasha xisbiga kulmiye aakhirkana burburindoona kaas oo ah kan ku saabsan awooda xukun ee xisbiga. Waayo maxaan sidaa u leeyahay? Haa oo Muuse biixi wuxuu mar iyo lababa yidhi ma ogoli in xisbiga la ila maamulo. Axmed Kaahina waa kii lahaa laba todobaad ka hor ”Saxaafadeey waxaad madaxweynaha naga gaadhsiisaan in aan xisbiga nalugu kor maamuli doonin” markaa waa su’aale nimanka halkaas taagan maxaa deeqa?
Ma waxay noqondoontaa in sidii markii Madaxweyne Siilaanyo gudoomiye ka ahaa xisbiga ay noqoto in wax wal oo ku saabsan xisbiga gudoomiyahe Muuse Biixi uun loo daba fadhiisto, mise wuxuu noqoni xisbi taladu ay dad badan ka soo go’do?
Ma sida imika uu yahay ayuu xisbigu sii ahaan oo waxuu noqon mid sidii sallaan oo kale loogu fuulo kursiga Madaxtinimda ee dalka sida imika cad, oo ka madhan xeerar laysku hago oo uu ku sii jiro?
Ma wuxuu noqon mid uu gudoomiyuhu xisbigu ku doodo in uu soo magacaabo 44ka xubnood ee gudida fulinta, isla gudidaas fulineed ee hadhow codka u qaadaysa murashaxa madaxtooyada oo gudoomiyuhu ka mid noqonkaro. Toloow yaa kontroolaya sow saaxiibadii oo miidhan 44ka xubnoodba ka ka dhigi maayo si ay isaga uun ugu codeeyaan murashaxnimadiisa mataxtinimo hadhow. Sow af kala qaad noqon mayso iyo khilaaf kale oo la isku xiiqo?
Mise kaba sii darane sida imika dhacda ayaa intoo meel la isku soo xidho lagu soo heshiin doonaa wax sharciga baal marsan iyadoon shirweyne la gaadhin, sidii imika dhacday markii la sii cayimay in aan gudoomiyenimada lagula tartamin Muuse Biixi marka loo fadhiisto shirweynaha 3aad?
Si kastaba ha ahaatee xaaladu waa isku jiq. Markaa hadalkii oo kooban anigu waxaan ku talin lahaa in sharci waxwal iyo cidwalba xadidaya oo awoodihiisa leh, xeerkaas oon noqon mid la isku af garan waayo oo qofba si u tujunto, isla markaana ah mid dhidibadu u aasan yihiin oo aan laga taltalaabsan sida imika muuqata.
Qore. Suber Cali Xasan Gothenburg Sweden.
H_bute@hotmail.com