Bishii Ramadaan oo fooda inagu soo haysa,Isku diyaarinta iyo soo dhoweynta Ramadaan (Qaybta Kowaad)

download

Waxaa innagu soo aaddan bishii barakaysnayd ee ramadaan,waxaana Allah ka baryaynaa in khayrka bishaas laga helayo aan ka wada faa’idaysano,sidaas daraadeed waxaan ugu talogalnay in aan soo qorno dhowr maqaal oo aan  uga hadlayno arrimo ku saabsan Ramadaanka,innagoo Allah ka baryayna in uu soonkeena aqbal ka dhigo ajar iyo xasanaatna uu naga siiyo.


Cibaadooyinka Allah dhammaantood waa in la isku diyaariyo,qofka marka uu tukanayo waa in uu marka hore isku diyaariyaa salaadda,sidaas oo kale ayaana xajka iyo soonkuna la isku diyaariyaa,waxaase nasiib xumo ah in dadka qaarkii aysan isku diyaarin salaadda iyo soonka iyo xajka,waxaadse arkaysa iyagoo isku diyaarinaya xafladaha iyo aroosyada iyo meelaha munkarka lagu hayo.


Labada sheekh saxiixoodu waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cumar bin Al-Khadhaab Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: islaamku wuxuu ku taagan yahay ama uu ku dhisan yahay shan tiir,kuwaasoo kala ah: qirashada Allah,macnaha in Allah keligiisa la caabudo iyo in Muxammad uu yahay rasuulkii Allah,oogidda salaadda,sakada oo la bixiyo,xajka oo la aado,qofkii awooda iyo bisha ramadaan oo la soomo. 


Dadka Allah ka baqayo waxay soonkoodu u soo dhoweynayaan si wanaagsan oo Allah ka cabsi ah iyagoo aaminsan in ay ka helayaan ajar iyo xasanaat,waxayna marka hore la imaanayaan towbad oo waxay doonayaan in ay soomaan iyagoo aan denbi lahayn wax macsi ahna aysan ku jirin,waxayna ka hortagayaan wax kasta oo khilaafsan ama ka hor-imaanaya dhaqangelinta labada shahaaddo ee laa ilaaha illallaahu iyo Muxammaddu rasuulullaahi, iyagoo ka fogaanaya nooc katsa oo shirki ah iyo bidco ah,Allah wuxuu yiri:u degdega denbi dhaafka aad Allah weydiisanaysaan iyo janno ballaciisu yahay ama la mid yahay cirka iyo dhulka loona diyaariyay dadka muttaqiinta ah (suuradda Aali Cimraan,aayad lambar 133), Allah wuxuu kaloo yiri:waxaad dhahdaa addoomadayda ku xadgudbay naftooda,haka quusanina naxariista Rabbi (suuradda Azzumar,aayad lambar 53),wuxuu kaloo Allah yiri: qofkii sameeya xumaan ama dulmiya naftiisa,dabadeedna uu Allah denbi dhaaf weydiisto, wuxuu Rabbi ka heli denbi dhaaf isagoo ah denbi dhaafe naxariiste (suuradda Annisa’,aayad lambar 110).


Towbada iyo denbi dhaafka Allah la weydiisanayno ayaa nagu waajibta in aan soonka ku soo dhoweyno,soo dhoweyntaasina waxaa laga doonaya rag iyo dumarba,qof kastana waxaa looga baahan yahay in uu badiyo nooc kastoo khayr ah,laakiinse haddii ay dhacdo in maalintii oo dhanna ay haweenayda jikada ama madbakha ku jirto oo cunto karis uun ku mashquulsan, ninkuna uu iska jiifo,waxaa hoos u dhacaya ajarkii soonka,waxaa kaloo loo baahan yahay in laga haro lagana towbad keeno cudurrada na dilay oo ajarkeena cunayo sida:separateka iyo cunista qaadka,Allah wuxuu yiri:towbad la imaada dhammaantiin,macnaha xagga Rabbi u noqda kulligiin (suuradda Annuur,aayad lambar 31),saxiixul Bukhaarina waxaa ku xusan, xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee kaasoo sheegaya,in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:magacii Allah baan ku dhaartaye,anigu waxaan maalintii Allah denbi dhaaf iyo towbadba weydiistaa in ka badan 70 goor.


Sidii loogu waajibiyay dadkii ka horreeyay muslimiinta,ayaa muslimiintuna loogu waajibiyay in ay soomaan,Allah wuxuu qur’aankiisa kariimka ah ku yiri:kuwii xaqa rumeeyay,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa aaminay,waxaa la idinku waajibiyay in aad soontaan sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyay,waxaadna mudan tihiin in aad dhowrsataan oo aad Alle ka baqdaan (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 183).


Ramadaan waa bishii khayrka iyo samirka,waa bil la furo dhammaan albaabada jannada lana xiro dhammaan albaabada naarta, labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:hadduu ramadaan yimaado waxaa la furaya albaabada jannada, waxaana la xiraya albaabada naarta,shayaadiintuna waa la xirxiri,Ilaahay wuxuu bishan ramadaan uu laballaaba ajarka iyo xasanaatka,labada sheekh saxiixooda waxaa kaloo ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii sooma ramadaanka isagoo ay ka tahay rumayn uu Ilaahay rumeynayo iyo ajar doonis waxaa loo dhaafa wixii denbi ahaa ee uu horay u galay.


Soonku ma’ahan oo keliya in laga soomo cunto,cabbid,galmo inta la sooman yahay iyo hadallada xunxun ku dhawaaqiisa,sida xanta,beenta iyo isku dirka,xataa qofkii ku soo gardarraysta ama afkiisa wax xun kaaga yiraahdo,waa in aad ku tiraahda waan soomanahay, macnaha ma karo in aan ku caayo ama in aan kula dagaallamo soonka daraadii,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: haddii uu qofku sooman yahay, yuusan hadal xun ku hadlin,haddii la caayo ama lala dagaallamo ha yiraahdo waan soomanahay,waan soomanahay,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay Sahal bin Sacad Al-Saacidi Allaha ka raalli noqdee, kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:jannadu waxay leedahay sideed albaab,waxaana albaabadaasi ka mid ah albaab la yiraahdo Al-Rayyaan,waxaana galaya oo keliya dadka Allah dartii u sooma. 


Waxaa dhici karta in qaar naga mid ah aysanba kala furin kow iyo toban (11) bilood kitaabka qur’aanka oo xataa aysanba isku dayin in ay hal jus ka akhriyaan,Allah baana arrintaasi ka magangalnaye,sidaas daraadeed bishan oo ah bishii qur’aanka waa in uu qofku ka faa’idaysto oo uu akhriyo qur’aanka,dabadeedna uu ku caadaysto akhriskiisa kuna camal falo, cajaladaha (cassettes) iyo CDyada heesaha ugu duubana uu ku beddalo qur’aanka iyo axaadiista nebiga sallallaahu caleyhi wasallama,nebigeenuna wuxuu habeen kasta bisha ramadaanka uu la kulmi jiray Jibriil caleyhissalaam,wuxuuna ka baran jiray qur’aanka, asxaabta nebigeenana iyo taabiciintuba waxay bisha ramadaan kordhin jireen qur’aan akhriska,innaguna sidaasoo kale ayaa nalaga doonaya,waana in aan bisha ramadaan mashquul ku noqono qur’aan akhris iyo samayn waxyaabaha khayrka ah.


Waxaa nasiib xumo ah in dadka qaarkii ay ramadaanka ku soo dhoweynayaan daawasho aflaam iyo musalsal tvga ah oo wada xaaraan ah,kuwona waxay ku soo dhoweynayaan cayaar iyo sheekooyin maala yacni ah iyo iyagoo nafta isaga qaadaya wax aan sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ka mid ahayn,waxaa iyana la arkaya in dadka qaarkii marka la gaaro bisha ramadaanka ay dhinac iska dhigayaan wax kasta oo howl ah,waxayna waqtiga ku luminayaan hurdo badan iyo cayaar badan,waxaa kuwaasi ka daran kuwo qaarkood oo bisha ramadaan oo keliya tukanaaya,marka la afurona oo soonkii laga baxo ay laallaabayaan salaadda,kuwo qaarkoodna waxay isku wadayaan xaaraantii ay ku jireen iyo soonkooda,sida cabbidda khamriga ama sigaarka ama qaadka ama separateka ama cayaaridda khammaarka iyo wax la mid ah,waxaa ka sii daran kuwo inta ay soomaan bisha oo dhan haddana maalmaha cidda ku afura waxyaabo munkar ah,iyadoo uu shaydaanku u diyaarinayo heeso,cayaaro oo niman iyo naago isla cayaaraya ama daawasho naago qaawan oo heesaya ama cayaaraya.


Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey……………….Aamiin
Sh. Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)
Waa inoo markale iyo qaybtii 2aad iyo arrimo ku saabsan ramadaanka,Rabbi idankiiÂ