Breaking News: Madaxii Sirdoonka Ee Hore Ee Xukumadda Siilaanyo Oo Ku Biiray Xisbiga Waddani.

image

London,(SM)-Ilo wareedyo laga kalsoonyahay ayaa  xaqiijiya in madaxii sirdoonka Somaliland ee ka horeeyay kan hada xilka haya mudane Maxamed Nuur Xirsi uu si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Maxamed Nuur Xirsi oo ay madaxweyne Siilaanyo isku jifo hoose yihiin ayaa goostay in uu xisbiga Wadani uu u digo rogto oo uu ka mid noqdo xisbigaasi, waa sida ay wararka aanu helaynaa ay daboolka ka qaadayaane, wararku waxa ay sheegayaan in Maxamed Nuur iyo gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane C/raxmaan Ciro xiligii uu booqashada ku maraayay qaarada Yurub ay xidhiidho toos ah oo la isku soo noq noqday uu markii danbe Maxamed Nuur Xirsi uu ku qancay in uu ka mid noqdo xisbiga Waddani.

Ilaa hada wax war ahi kama soo bixin xisbiga Waddani iyo sarkaal Maxamed Nuur Xirso oo isagu ahaan jiray madaxii sirdoonka qaranka ee hore ee xukumadda Kulmiye ee hada dalka ka talisa oo ay maalinba maalinta ka danbysa ay sii yaraanyso tageerida ay u hayaan dadweynaha reer Somaliland ee xisbigaasi taageeri jiray.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho qarannews