CAMBAREYN..Dhalinyara​da Beesha Habar Awal Waxay Si Buuxda U Cambaareyn​ayaan Qoddobadii Ay Soo Saareen Guddigii Dhexdhexaa​dinta Xisbiga Kulmiye

CAMBAREYN

 

 

 

 

 

 

 

Tan iyo markii u bilaabmay khilaafka Xisbiga Kulmiye ee u dhexeeyay laba garab ee ay kala Hogaaminayaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweyne Siilaanyo, oo sababay inuu Xisbigu u kala jabo laba garab isagoo saameyn ku yeeshay Nabadgalyada Dalka.

Ayaa Waxa aritan soo faragaliyay Golaha Guurtida Somaliland, oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal, iyagoo labada dhinacba ka codsaday inay aqbalaan wixii go’aamo ah ee ay ka soo saaraan xalinta khilaafka Xisbiga Kulmiye.

Guud ahaan bulshada Somaliland ayaa waxay ka dhursugeysay bal wixii xal ah ee arintan laga soo saaro iyadoo Sabtidii labada Garab la iskugu keenay Xarunta Madaxtooyada Somaliland halkaas oo ay kaga dhawaaqeen go’aanadii shirqoolka ahaa ee ay ku sheegeen in lagu xalinayo khilaafka Xisbiga Kulmiye.

Waxa wax lala yaabo noqotay in ay ku dhawaaqeen in Liiskii Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ee ay Soo saareen Xubnihii Wasiirada ahaa ee inqilaabay Xisbiga inay sidoodii ku ansax yihiin, taas oo gabi ahaanba sharci daro iyo qabyaalad cad ah waxaana wax laga xumaado ah in Gudoomiyihii Golaha Guuridu uu ku taliyay in wax walba laga dhigo sida uu Madaxweynuhu doonayo, isagoo arinkii Qaranka uu u hayay intuu iska ilaaway si qaawan oo qabyaalad ah ku taageeray Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana sharcigii Dalka iyo kii Xisbigaba ka horeysiiay danta Madaxweynaha isagoo qaaday Gar eexo.

Guntii iyo Gebagabadii waxaanu baaqu diraynaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waxaanu leenahay:-

Gudoomiye Muuse Biixi waxaanu leenahay Gudoomiye waa inaad sida ugu dhakhsaha badan iskaga Casishaa Gabi ahaanba Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada uu Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo, ee ay yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo reerkiisu waxaana marag cad kuu ah sida Gudoomiyhii Golaha Guurtida ee aad Gartaadii u dhiibatay uu Qabyaalad iyo Gar eexo u qaaday, islamarkaa uu si badheedh ah ula saftay Madaxweyne Siilaanyo, Sidaa daraadeed Waxaanu mar labaad u soo jeedinaynaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye inuu sida ugu dhakhsaha badan iskaga casilo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Fariinta labaad waxaanu u diray guud ahaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waxaana aanu ka codsanaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga tashadaan Xisbiga reeraysan ee Kulmiye, iyadoo durba ay bilaabmeen kulamo lagaga arinsanayo sidii looga guuri lahaa Xisbiga shandada ay ku sitaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal.

Wabilaahi Tawfiiq

Dhalinyarada Beelweynta Habar Awal

Hargeysa Somaliland