cimri tagay ceeb laguma sabootiyo w/Q-Qaali Dumar

unnamed
Waxan halkan ka Salamayaa Dhamaan Umada Somaliland meel kasta oo ay aduunka daafihiisa kaga nool yihin waxan Sigaara usalamaya inta magacayga iyo muuuqayga taqaan waxan ku salamayaa salanta islaamka ‪#‎ASC_WR_WB‬ bacda salan waxan halkan idinku soo gudbinaya Maqaal loogu maqacdaray‪#‎Cimri_Tagay_Ceeb_Laguma_Sabootiyo‬ Maqalkani waxa uu ku socotaa Dhamaan maamulka hada talada haya iyo dhamaan cidkasta oo gacanta kula jirta maamulka Dawlada Somaliland wakhti xaadirkan hadaan udaadago ujeedda maqaalka ………

Sidaan wada ogsoonahay waxa khilaaf xoogan ka taagnaa maalmihii u danbeeyay wadankeena taas oo ay sababeen xisbi xaakimka  talada  hada talada haya ee kulmiye

 khilaafkaas oo Gilgilay dhaman wadankii oo dhan saamayn wayna ku yeeshay kadib  markii ay shacabka caasimada hargaysa kunooli mar kaliya dhagahooda ay dayaaiyeen qaraxyo  wax loogu yeedhay shaani ama dsadaha shaaniga laga cabo lagusoo xidhay walaxyada qarxa islamarkaana meelo kala duwan ladhigay dhawr habayn oo isku xiga lagu qarxiyay
taaas oo shacabka somaliland gudo iyo debedba qaadanwaa ay ku noqotay in xisbigii wadanka taladiisa gacanta ku hayay  dhexdiisii ay tani ka dhacdo .., galinasana khalkal  amaankii iyo nabadii aynu ku naaloonaynay  mudada 23 sanadooda
cadowguna  fursadan kga faaiidaysan karo inuu inoosoo dhex raaco
 
 hadaba,,madaxwaynaha hada talada haya waxan ku tilmaami karaa  inkastoo uu dhaliilo badan leeyahay hadana waa madaxwaynihii intii somalilan jirtay gaadhsiiyay meel sare qabtayna wax yaalo badan oo la taaban karo haday tahay xaga Hormarka iyo haday tahay xaga Nabada
 Waxan leyahay maamulka xisbiga talada haya
( Cimri tagay Ceeb laguma sabootiyo)
 hana no qonina kuwa burburiya waxaad dhisteen wadankana kaga taga ceeb iyo magac xumo noqda kuwii sharaf iyo magac kaga taga wadanka danta umadana haw burbrinina wax aan qiimo lahayn Somaliland waa wadanka khaliya ee africa oo dhan haysta nabad aan africada inteeda kale haysan waxanan odhan karaa waa wadanka khaliya aan la ilaali goobaha qanacsatada nooc yadeeda kala duwan sida ‪#‎Dabahka‬ ‪#‎Sarifka_lacagaha‬ IWM
 oo ah meelaha ugu baylahda badan ama sida fudud loo dhici karo halka wadanada Caalamka aanad arkayn Dahab wado iska yaala ama aan cidi ilaalinayn waana wax yaalaha aynu hormarka ku gaadhnay qofkasta oo soo booqda somaliland waa wax yaalaha ugu horeeya ee farxad galiya ama kalsooni buuxda ka siiya nabada somaliland waxanan odhan karnaa dadka ku nool somaliland ayaa ah dad jecel nabada adkeeyana,,
 
 waxan alle inooga baryaayaa in dhibaatada inta alle inoogu joojiyo noqonana kuwa adkaysta nabadooda ay caanka ku yihiiiiiiiin allena haynaga dhigo kuwii is fahma markasta maamulka talada inoo hayana alle haka dhex saaro khilaafka hana ka yeelo kuwii wanaaga isla qaata xumaantana ka taga waxan leeyahay umada somaliland meel kasta oo aad joogtan adkeeya Nabada una duceeya dalkeena iyo dhamaan dalalka islaamka in alle nabad buuuuxda siiiiiiyo nabadu waa hormuuudka nolosha hadaan nabad jirin ogaw nolol ma jirteeeeeee ,,,,,,,, wa bilaahi tawfiiiiiiiiiiiiiiiq
Qalinkiiiiiiii Qali Dumar