Daawo Cadaaladaradan..”Askari ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo caddaalad-darro tirsanaya ka dib markii wax Laga qaban waayay dhaawac naftiisa halis ku ah.

Askarigan waxa lagu magacaabaa Maxamuud Cabdi Ducaale (Kilaas), waa saddex xadhigle ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland. wuxuu ka cabanayaa in wax ba laga qaban waayay Dhaawac halis ah oo hore naftiisa halis u geliyey oo uu illaa hadda ka cabanayo iyo caddaalad-darro ku habsatay. Wuxuu isu arkaa in la dayacay isla markaana shacabka Somaliland gudo iyo dibadba wuxuu ka codsanayaa inay cagacan ka siiyaan sidii caafimaadkiisa wax looga qaba lahaa.Â