DAAWO MUQAAL…Dawladda Turkiga Oo Dayactir Ku Samaynaysa Xarumaha Taariikhiga Ah Ee Ay Ku Lahaayeen Saylac Iyo Wadada Isku Xidha Lawyacado & Saylac.

21, 2014 Saylac(SM) – Wefti ka socda dawladda Turkiga ayaa shalay booqday magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salel, waxaanay u socdeen sidii ay u darsi lahaayeen hanaankii loo bilaabi lahaa jidka isku xidha Saylac iyo Jabuuti oo dawladoodu hore u balan-qaaday inay dhisi doonto iyo dayac-tir ay ku samaynayaan goobaha taariikhiga ah ee Turkigu ku lahaa magaalo xeebeeda Saylac.
Weftigan oo ka koobnaa toddoba xubnood waxa hoggaaminayay sarkaal ka socday safaarradda Turkigu ku leeyahay dalka Jabuuti, waxaana weheliyay Injineero ka socday shirkad laga leeyahay wadankaasi oo la siiyay qandaraaska lagu hirgelinayo jidhkaasi. Weftigan waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladda Saylac Badhasaabka Salel iyo masuuliyiinta degmadaasi, waxaanay shalay-ba shir muddo saacado ah socday la yeesheen maamulka Gobolka oo ay ka wada hadleen bilowga dhismaha jidkan oo ay sheegeen inay dhawaan bilaabi doonaan.

Salaanmedia/Hargaysa