Daawo muqaal iyo warbixin….”Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yurub oo wel-wel ka muujiyay caruurtooda oo Jihaad u tagaaya Dalka Siiriya!!

Qaar ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yurub ayaa waxaa la sheegay inay wel wel iyo walaac baaxad weyn ay ka muujiyeen caruurtooda oo u safartey dalka Siiriya si ay uga qeyb galaan dagaalada ka socda dalkaas ayagoo ka bar bar dagaalamaay jabhada dagaalka kula jirto ciidamada dowlada dalka Siiriya.

Qaar ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yurub ayaa waxaa la sheegay inay wel wel iyo walaac ay ka muuijyeen islamarkaana ay qeylo dhaan ay ka keeneen caruurtooda oo u kicitimay dalkaas Siiriya si ay uga qeyb qaataan waxa ay ugu yeereen dagaalka jihaadka ee dalkaas Siiriiya, Barnaamijka Arimaha Bulshada ee ka baxa telefishinka Universal Tv ayaa dhawaantaan waxaa uu shaaciyey inay la soo xiriireen ilaa iyo 6 ka mid ah hooyooyin ay caruurtoodu ay u kicitintey dalka Siiriya si ay uga qeyn qaataan waxay ugu yeereen dagaalka jahaadka dalkaas, Caruurtaan Soomaaliyeed ee u aaday dalka Siiriya jihaadka oo isugu jira gabdho iyo wiilal islamarkaana ahaa ardey wax barato oo ay aqoontooda waxbarasho ay sareyso ayaa waxay ugu ambabaxeen dalkaas Siiriya si ay ula dagaalamaan ciidmada dowlada ee madaxweyne Bashar Alsad iyadoona ay caruurtaas Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ay da’adoodu ay thay mid aad iyo aad u yar.
Ugu dambeyntiina iyadoo hooyinkaas Soomaaliyaad ee ku nool dalkalka Yurub ay arintaas ku reebtay murugo iyo wel wel baaxad weyn ayaa sidoo kale ay arintaan ka mid tahay mid mudooyinkii ugu dambeysay ku soo badanaysay Soomaalida ku nool wadamada dibada iyadoona ay dhawaantaan un ahayd markii ciidamada sirdoonka dalka Mareykanka ee FBI ay shaaciyeen in Soomaali badan oo ka mid ah kuwa ku nool gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ay u amba baxeen jihaadka dalka Siiriya, Soomaalida u aaday waxa loogu yeeray jihaadka dalka Siiriya ayaa waxaa ugu caansan laba gabdhood oo walaalo ahaa oo Somali Norwijiyaan ah oo dhamaadka sanadkii hore u aaday dalka Siiriya si ay uga barbar dagaalamaan jabhda dagaalka kula jirta dowlada dalkaas Siiriya ee uu hogaamiyo madaxweyne Bashar Alsad.

Salaanmedia/Moqdisho