Daawo sawiro:- Xafladii Daahfurka Laanta Munchen/ Germany ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Markii ugu Horaysay Laan kuyeeshay Magaalada Munchen.

Magaalada Munchen ee Gobolka Bayern Wadanka Jarmalka ayaa Lagu Qabtay Xalada Si Heersare Ah loosoo Agaasimay, Taasoo Xafiis Cusub loogu Furay Laanta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Furitaanka Xafiiska Xisbiga Waddani ee Magaalada Munchen oo ah kii ugu Horeeyay ee ay Abid Xisbi Kamida Xisbiyada Somaliland kajira kafurto Laan Xafiiseed, Magaalada Ganacsiga Kucaanka ah ee Munich.

Xaflada Waxa kasoo Qayb Madaxda Xisbiga Waddani ee Wadanka Jarmalka ,Taageerayaa Tiro Badan oo katirsan Xisbiga Waddani, Masuuliyiinta Jaaliyadaha Somaliland Munchen iyo Marti Sharaf Kale oo Tirobadan,
Waxana Xafladaas Lagu Doortay Hogaanka Cusub ee Laanta Xisbiga Waddani ee Magaalada Munchen,

Gudoomiye Maxamed Faarax Cabdi

Gudoomiye Kuxigeen Jaamac Cabdi Jaamc

Xoghayn Yuful Cali Maxamed

Afhayeen Axmed Cabdi Jiidhe -(faras)

Qasnaji Cabdir Raxaam Axmed Cardiraxmaan( Nin Balaadhan)

Waxa Furista Laanta Cusub ee Xisbiga Waddani Kafurtay Magaalada Munchen Goobjoog Ka,ahaa Gudoomiyaha Guud ee Jarmalka Uqaabilsan Xisbiga Waddani

Xuseen Cismaan Abiib

Iyo Afhayeen Guud Baashe Jaamac

Â