Daawo Sawir laga soo qaaday Hooyo iyo gabadh ay dhashay oo lugaha uga go’ay Madaafiic ay rideen Kooxda ISIS

image

Hooyo iyo gabadh ay dhashay ayaa lugahooda ku waayay Duqeyn culus ay ka geesteen xadka ay wadaagaan Ciraaq iyo Siiriya Kooxaha Islaamiyiinta ah ee lagu Magacaabo ISIS kuwaa oo ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Zainab Haider oo ah gabadh 15-sano jir ah iyo hooyadeed ayaa ku waayay lugahooda madfac kusoo dhacay gurigooda xili ay hurdayeen , waxaana hada Gabdhan iyo hooyadood lagu daweenayaa isbitaal.

Waxaa sidoo kale madfac qoyskan gurigooda kusoo dhacay ku dhintay gabar 10-sano jir ah halka Wiil 18-sano jir qoyskan kamid ah uu qaaday shook kaas oo la sheegay ilaa xiligan in uusan hadlin Karin uu shooksan yahay.

 

Dalka Ciraaq waxaa kasocda Dagaal culus oo u dhaxeeya Xoogaga Islaamiyiint ee ISIS iyo Dowlada Ciraaq , waxaana dagaaladaasi ku dhintay dad badan oo shacab ah halka kumanaan kalana ay ku barakaceen.