Daawo Sawiro…Kulan balaadhan oo isugu jiray muxaadarooyin iyo Abaal marin oo ka dhacay Xaafadda Woolwich London.

IMG_1390

 

 

Waxa xaafadda Woolwich London ka dhacay kulan Diimeed aad u balaadhan oo lagu abaab marinaayey ardayda wax ka barata Al-Ma’rifa Islamic School (Madarisada AL-Ma’rifa )oo xarun balaadhan ku leh xaafadda Woolwich ee dalka nIngiriiska. Al-Ma’rifa Isamic School oo xaflad balaadhan loogu qabtay xarunteeda ayaa waxa kasoo qayb galay Culumo aad u fara badan iyo martisharaf kale oo aad u farabadan,Waalidiinta Rag iyo Dumar. Waxa  lagu soo bandhigay Muxaadarooyin far badan oo kala du-duwan kuna saabsan muhiimada Caruurta dalkan Ingiriiska lagu koriyo, Wajibaadka waalidka looga bahan yahay iyo xidhidhka waalidka iyo Caruurta, waxa kale oo cumulmadu aad uga hadleen in dalalka Qurbaha ah ee aynu joogno laga faad’deysto lagana fogaado waxyaalaha keenaya dhibaatadda bulshada dhexdeeda.

IMG_1437

Kulanka oo Muxaadaradda kadib lagu soo bandhigay caruurta iyo heerka ay ka gaadheen waxbarashadda Diiniga ah iyo waxbarashada kaleba, Waxa lagu soo bandhigay in la tar-tarsiinyo caruurta si loo  ogaado heerka ay taagan yihiin. Ugu danbeyntiisa waxa lagu gudoonsiiyey shahaadooyin lagu abaal mariyey Caruurta iyada oo kagu kal abaal mariyey sida ay u kala sareeyeen.

IMG_1393

Waxa aynu aad ula soconaa in dalalka Qurbaha ee aynu degan nahay ay tahay in laga taxadiro gaar ahaan tarbiyadda iyo ilaalinta Caruurta iyo sidii loola socon lahaa marba xaalkoodu halka uu maraayo. Dalkan Ingiriiska waxa Soomaalidu aad ugu kaceen horumarka dhinacwalba leh tasoo keenaysa in waalidiintu ay u kaceen oo ay dedaalo dheeraada u sameynayaan.

Salaanmedia/London.
IMG_1367 IMG_1374 IMG_1386 IMG_1387 IMG_1388 IMG_1389 IMG_1390 IMG_1391 IMG_1392 IMG_1393 IMG_1394 IMG_1395 IMG_1396 IMG_1397 IMG_1398 IMG_1402 IMG_1407 IMG_1408 IMG_1431 IMG_1436 IMG_1437 IMG_1440 IMG_1441

Â