Daawo Sawiro…Munaasabad aad u balaadhan oo loogu badaal degaayo joojinta Qaadka oo ka dhacday Galbeedka London.

IMG_1892

 

 

 

 

 

 

 

Munaasabad aad u balaadhan oo loogu dabaal-degaayey joojinta Qaadka oo ka dhacday Galbeedka London.Kulanka oo aad u baladhnaa soona qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Ingiriiska ayaa waxa kasoo qayb galay bulshada noocyadeeda kala duwan,Haween,Aqoonyahan,Dhalinayro,Saxaafadda kala duwan ee Caalamka iyo Soomaalidaba,

Waxa kale oo kasoo qayb galay Abwaano iyo haayaddo Madax banaan, Munaasabadda oo ujeedadeedu ahayd sidii loo xusi lahaa talaabada geesinimadda ah ee dalkan Ingiriisku qadeen ee ku saabsan Joojinta Maandooriyaha Qaadka oo dadka Soomaalida ah fara baas ku hayey. Kulanka oo aad u balaadhnaa waxa ka hadlay dad aad u fara badan oo ka hadlay dhibaatadda Qaadku uu ku leeyahay bulshadda dhexdeeda ee dhinacwalba leh,Xaga Caafimaadka,Ubadka, Maskaxda dadka oo uu wax u dhimo iyo dhibaatooyin kale oo fara badan,

Waxa iyana kulanka ka hadlay odayaal ololaha ugu jiray sidii loo joojin lahaa Qaadka oo ku tilmaamay in ay aad ugu farxeen markii go’aanka cad ay dalkan Ingiriisku qaadeen. Xafladda waxa kale oo hadalo kasoo jeediyey Haween,haayaddo ku shaqo lahaa hawlaha Qaadka iyo dhibaatadiisa,Waxa kale oo lagu soo bandhigay heeso muujinaaya dhibaatadda Guud ee Qaadku shacabka Soomaalida ku hayo.

Ugu danbeyntii Abukar Jaamac Awaale oo ka mid ahaa dadka aadka ugu ololeyn jiray in la joojiyo Qaadka ayaa munaasabadda kasoo jeediyey hadal kooban oo qiiro ka muuqato isaga oo ay indhahiisa ilmo ka timid aadna ugu farxay sida ay ugu dhacday xafladu iyo go’aanka ay qaateen dalkan Ingiriiska ,Waxa kale oo uu sheegay dhibaatadda Qaadka oo uu sheegay in uu waayo arag u yahay dhibaatadiisa iminkana Illaahay ugu mahadcelinaayo.Waxa ugu danbeystii  MR Cawaale lagu maamuusay Shahaado shafar aadna loogu sacbiyey.Waxayna kusoo dhamaatay guul..

Fadlan lasoco muqaal xafladda ku saabsan dhawaan Insha Allaah.

Salaanmedia/London

IMG_1878

IMG_1775

IMG_1896 IMG_1892 IMG_1889
IMG_1850 IMG_1831 IMG_1813 IMG_1810 IMG_1805 IMG_1792
IMG_1775 IMG_1773
IMG_1739 IMG_1733 IMG_1730 IMG_1725 IMG_1723
IMG_1745 (1)