DAAWO SAWIRO….Muuqaallada Isu Soo Baxyo Ka Dhan Ah Cabudhinta Saxaafadda Oo Ay Suxufiyiinta Gobollada Galbeedka Badhtamaha Iyo Bariga Somaliland Kaga Dhiidhiyeen Gabood-fallada Xukuumadda

June 26, 2014 Hargeysa(SM) – Suxufiyiinta Somaliland ee ku kala sugan gobollada galbeedka iyo Bariga Somaliland ayaa maanta siyaabo kala duwan u muujiyey sida ay uga xun yihiin tacadiyadda iyo cabudhinta isa sii taraysa ee ay xukuumadda Somaliland ee madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiyo ku hayso bahda saxaafadda madaxa banaan.

Suxufiyiinta gobollada galbeedka Somaliland ee fadhigoodu yahay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka AWDAL iyo Suxufiyiinta gobollada dhinaca bari ka xiga Caasimada Hargeysa ee fadhigoodu yahay magaalada Berbera ee xarunta gobolka  Saaxil ayaa maanta mudaharaadyo kala duwan ku cambaareeyey tallaabadii xukuumaddu ku xayirtay wergeysyada madaxa banaan ee HAATUF iyo Somaliland Times kuwaas oo ay Masuuliyiintoodii xabsiga u taxaabtay xukunno iyo ganaaxna ku ridday.

 Suxufiyiinta gobollada galbeedka Somaliland  iyo kuwa bariga Somaliland waxa ay si isku mid ah u cambaareeyeen xukunkii lama aragga ahaa ee maxakamadda Gobolka Hargeysa ku ridday guddoomiyihii WArgeyska HAATUF Yuusuf cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii Wargeyskaas Axmed Cali Cige, Waxaana Weriyayaashan oo Afka ku soo xidhay Marooyin Cad cad oo ka turjumaya cabudhinta ilaa xadka ah ee lagu hayo saxaafadda ay ka dhiidhiyeen xad gudubyada ka dhan ah warbaahinta Somaliland oo haatan u muuqata mid god madow ku dhacaysa isla markaana sumacdii qaranka bar madaw ku noqonaysa.

Labada Gobol Ee SAAXIL iyo AWDAL kasokow waxa Magaalada Hargeysa iyaguna ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ka dhigeen isu soo bax salmi ah oo ka dhan ah xukunkii maxakamadda lagu riday iyo tallaabooyinka ay marma marka ka dembeeya xukuumadu ku dhiiranayso inay ku cabudhisao saxaafadda, kuwaas oo ay tilmaameen inaanay u dulqaadanayn balse ay xukuumadda ugu baaqayaan inay ka waantowdo falalkaas.

 

Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Solja oo warbaahinta la hadlay ayaa mar labaad cambaareeyey falkan lagu xukumay masuuliyiintii HAATUF iyaga iyo Xaruntoodii warbaahineedba,  kuwaas oo ay ka sii horeysay

j-vert

Capture-vert

10329894_626548704080726_3438487116590319804_o-vert

Salaanmedia/Hargeysa