Daawo Sawiro..Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray 5 Km Oo Kamid Ah Dhismaha Waddada CAD Oo La Dhameeyay Dhagaxana Dhigay 5 Kale Oo Xukumadu Ku Deeq day.

Hargaysa (SM)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland  Xirsi  Cali Xaaji Xasan ayaa maanta xadhiga ka jaray 5 kiilo  mitir oo ka mida dhismaha waddada cad oo ay xukuumadu dhistay  iyadoo wasiirku uu 5 kiilo mitir oo kalena uu maanta dhagax dhigay oo ay xukuumaddu dhisayso halka dadka deegaanku ay dhisanayaan 10 kiilo mitir isku geynna ay noqonayso 20 kiilo mitir lana filayo in ay waddadu gaadho qoolcade  .

 

 

77
Waxaa xaflada xadhig ka jarka iyo dhagax dhiggu ka dhacday duleedka magaalada toon iyadoo ay ka soo qeyb galeen wasiirka madaxtooyada Somaliland xirsi cali xaaji xasan. Wasiiru dawlaha madaxtooyada maxamed muuse abees . wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta c/.laahi maxamed daahir cukuse .gudoomiye ku xigeenka guddida dhismaha waddada cad sh.maxamed cali geedi . suldaanka guud sul maxamed sul c/qaadir , xildhibaano ka kala socday golayaasha barlamaanka aqoonyahan .waxbarad .culimo ,iyo dadweyne kale .

 

unnamed lo 887 222 89 88 77 66 55 22 8 7 04 1

 Salaanmedia/Hargaysa