DAAWO SAWIRO…Wasiirka Madaxtooyadda Soomaaliland Xirsi Cali Xaji Xasan Oo Ka Hadlay Ujeedada Socdaal Wefti Uu Hogaaminaya Ku Tageen Qorilugud , Deegaan Hoos Yimaada Buuhoodle iyo masharciid uu ka fuliyey.

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargeysa(SM)Wasiir Xirsi Oo Ka Hadlay Ujeedada Socdaal Wefti Uu Hogaaminaya Ku Tageen Qorilugud Iyo Deegaan Hoos Yimaada Buuhoodle Wasiirka oo safarkaasi ka hadlay ayaa qoraal uu bogiisa facebook ku baahiyay Sida Udhignaa
Waxay ahayd Maanta Abaaro 1:30 Pm “Duhurnimo” kadib markaan safar shaqo oo iskugu jira kor u qaadida nabadgelyada iyo hirgalinta mashaariic horumarineed aan ka soo fulinay deegaanka Qorulugud oo hoos yimaada Buuhoodle

Safarkan ayaa waxaa igu wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleeban Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Beeraha Mud. Aadan Ibraahim Ashqar

Guud ahaan markaan gaadhnay degmada Qorulugud ayaa waxaa goobta nagu soo dhaweeyey dadweyne aad u fara badan oo ay ka muuqato dareen farxad iyo bushaaro ah.

6

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Indho indhayn iyo u kuur gelid xaalada degmada ah kadib waxaanu dadweynaha kala hadalnay goob fagaare ah halkaas oo aan uugu bushaaraynay mashaariicda horumarineed ee aanu ka sidno Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland isla markaana aanu ka gudoonay qoraal ay noogu soo gudbiyeen baahiyahooda aasasiga ee ka dhiman .

5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan oo ka jawaabay baahi kamida baahiyaha uugu waawayn ee dadweyne kasta oo meel wada degan oo ah caafimaadka ayaa u dhagax dhigay Goob noqon doonto Isbitaal kaasi oo badali doona MCH hadda kahor ka hawl geli jiray degmada
Wasiirka ayaa u balan qaaday in goobtan ay ka hawl geli doonaan shaqaale intii loogu talo galay isla markaana uu noqon doono Isbitaal ku qalabaysan dhamaan adeegyada Caafimaadka.

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mashaariicda kale ee horumarineed ee aan maanta ka fulinay degmada ayey kamid ahayd in aan ku wareejinay Gaadhi Ciidan oo wax wayn ka tari doonaa amaanka iyo nabad gelyada degmada iyo degmooyinka ku wareegsanba sidoo kalena waxaanu dhagax dhignay dhisme lagu dari doono xarunta station police-ka degmada
Dhisme-yaasha kale ee aanu u soo dhagax dhignay isla markaana dhamaystirkooda uugu soo bushaaraynay degmada ayey kamid yihiin dhisme loo samayn doono dawlada hoose ee magaalada halkaas oo noqon doonto xafiiskii loogu hawl geli lahaa degmada. Iyo sidoo kale gurigii Martida ee Degmada.

5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ka sakow Mashaariicdan horumarineed ee aanu maanta degmada gaadhsiinay ayaa waxaa barbar socda dedaalo loogu jiro kor u qaadida amaanka iyo nabadgelyada.
Waxaanu dadweynaha kala hadalnay isla markaana cod dheer uugu sheegnay in nabadu tahay furaha horumarka iyo nolol bogaadin leh
Waxaa xusid mudan in dedaalkii loo galay hirgalinta Nabadgelyadu ay maanta muuqato midhaheedii oo aanay col iyo colaad toona ka jirin degmada Buuhoodle iyo degmooyinka hoos yimaadaba

Waxaa Xasuus mudan in maanta isla goobtii xafladu ka socday ay ku soo biiraan wafti ka kooban madax-dhaqameedka degmada Buuhoodle iyagoo si hufan u sheegay qiimaha nabad gelyada Iyo wada noolashaha dadka wada degan.
Waxay amaan iyo bogaadin u soo jeediyeen dawladooda Somaliland oo ay ku sifeeyeen mid iibinaysa Nabad gelyo iyo horumar oo ah labada asaaska u ah bini’amka

Safarkan maanta ayaa noogu soo dhamaaday guul iyo hiigsi horumar aan horaantiisii Hayno.
Wa BIlaahi Tawfiiq

 

Salaanmedia/Burco