Daawo Sawiro..Xaafaadda Woolwich London oo laga asaasay Football Academy lagu tababaro caruurta Soomaaliyeed iyo horuamrka ay ku talaabsadeen.

IMG_0962

Waxa in mudo ahba ka jiray xaafadda Woolwich oo ku taala Koonfur bari ee magaaladda London Academy lagu tababaro dhalinyaradda yar- yar ee Kubada ciyaara,ugu yaraan caruurta la tababaro waxa ay isugu jiraan 6 jir ilaa 14 jir oo xirfado kala duwan leh, Waxa aan booqasho ku tagay bal in aan wax ka ogaado waxyaalaha u qabsooma iyo xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin.

IMG_0936

Waxa Acaddemiga  lagu magacabaa Young Start ama xidigaha ayaa waxa mar aan wax ka weydiiyey maamulayaasha ay ii shegeen in ay  wax weyn ka qabteen intii ay jiraan horumarka dhalinyaradda Soomaalida ee xaafadan degan oo ay siiyaan tababaro kala duwan ,waxa kale oo ay ii shegeen in 3 ka mid ah caruurta ay qaateen naadiyadda u dhow-dhow xaafadda Woolwich ee London. Waxa ay leeyihiin direyn u gaara,waxaana tababara dad khibrad u leh tababaradda noocyadiisa kala duwan. Marka aad timaado ee aad doonayso in aad kusuu biirto waxa aad raacayso sharciga u yaala adiga oo buuxinaaya araajidaa ama sharciga Academiga.

IMG_0933

Waxa aad arkaysaa sida kala danbeynta ah ee caruurta loo habeeyey iyo noocyadda tababarada la siinao oo aad u sareeya. Waax wax lagu farxo  in la helo meelo ama goobo aynu caruurteeda ku daryeelo si ay horumar la taaban karo u gaadhaan, Waxa kale oo mihiima in caruurta lagula dedaalo horuamrka Sportiga iyo waxbarashaddaba.Waxa beryahan aad horumar balaadhan ugu talaabsaday xaafadda Woolwich oo ku taala Koonfurbari maglaadda London,Waxa ka furan Schoolo gooni loo leeyahay,Ganacsiga noocyadiisa kala duwan,Mashruucyo aad u waaweyn oo shaqaaleysiiya dad aad u fara badan oo Soomaali iyo Ajaaniba isugu jira oo ay ka mid yihiin,Capital Home Care iyo Oases Project.

Waxa aan idiinsoo gudbin donaa Insha Allah muqaak ku saabsan Academiga iyo waraysi aan la yeeshay gudoomiyaha maamulka sare.

Salaanmedia/London

IMG_0944 IMG_0951 IMG_0950 IMG_0948 IMG_0947

jjIMG_0936 IMG_0935 IMG_0933 IMG_0932 IMG_0931 IMG_0928 IMG_0927 IMG_0926 IMG_0925 IMG_0924 IMG_0923 IMG_0922 IMG_0921 IMG_0919 IMG_0918 IMG_0916 IMG_0915 IMG_0913 IMG_0933 IMG_0936 IMG_0962

IMG_0937 IMG_0943 IMG_0942 IMG_0939 IMG_0938