Daawo Sawiro…Xaflad balaadhan oo lagusoo dhoweeyey la’taliyaha madaxweynaha Soomaaliland ee Arimaha Bulshada Barkhad Jama Hirsi ayaa ka qabsoontay London.

IMG_1593

Waxaa Axadii 22nd kuqabsoomay Hotel Savana ee xaafada Shepherd bush London xaflad aad u balaadhan oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada Somaliland ee UK , xafladan  oo ahayd mid lagu soo dhoweynayay  lataliyaha madax weynaha JSL ee arimaha bulshada mud: Barkhad Jama Xirsi  ayaa waxaa kasoo qayb galay Safiirka Somaliland ee  UK  Cali Aadan Cawale
Gudoomihaha TVga qaranka C/raxmaan Aadan Dheri  Xisbiyada qaranka,qaar kamida urururada bulshada iyo dad weyne farabadan,

IMG_1653
Ugu horayn waxaa lagu Furay Aayado Quraana kadibna waxa lagu soo dhaweeyey Iman Maxamed Ciise oo ahaa gudoomiyaha gudidii qaban qaabada oo uu afkooda ku hadlayay
isagoo soo dhoweeyay barkhad islamarkaana aad ugu mahad celiyay dhamaan dad weynihii kasoo qayb galay xaflada, waxaa isna halkaas kahadlay gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee UK mud:Cabdala Saalim  oo isna dhiniciisa umahad celiyayay kasoo qayb galyaasha isla goobtanaasna kusoo dhoweeyay Barkhad UK Gudoomiye Cabdale waxaa kale oo uu BAAQ udiray madax weynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo isagoo kacod saday in Barkhad Jaamac oo ah la’taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arimaha Bulshada iyo haldoorka kale ee lamidka ah uu gaadh siiyo ilaa heer wasiir isagoo ku tilmaamay nin koobsaday aqoon, karti, iyo muwaadinimo.

IMG_1642

Waxaa iyana halkaas kahadlay qaar kamida xisbiyada qaranka Soomaaliland iyo xubno katirsan urururada bulshada 

IMG_1612
Sidoo kale   Safiir Cali Aadan iyo gudoomiye  C/raxma ayaa iyana dhankooda kusoo dhoweeyay Barkhad halkaas iyagoo ku tilmaayay muwaadin aqoon yahan ah ,geba gabadiina waxaa halkaas qudbad soo jiidatay kasoo qayb galayaasha kalkaas kasoo jeediyay Barkhad Jaamac tasoo isugu jrtay mahadnaq, Xogwaran , tallo ama waano iyo kaftan aad uga qosliyay bulshadii ka soo qayb gashay
Xaflada. Xisbiga UCID ayaa ugu danbeyntii hadyad sharaxeed ku maamuusay. Waxayna kusoo gaba gabawday jawi farxad iyo ray rayn ah

 

www.Salaanmedia.com

London

IMG_1660 IMG_1646 IMG_1645 IMG_1641 IMG_1664 IMG_1662 IMG_1654 IMG_1653 IMG_1651 IMG_1673 IMG_1672 IMG_1667 IMG_1665 IMG_1671
IMG_1659 IMG_1656 IMG_1644
IMG_1639
IMG_1637 IMG_1632 IMG_1630 IMG_1628 IMG_1627 IMG_1626 IMG_1625
IMG_1623 IMG_1621 IMG_1620 IMG_1618 IMG_1617 IMG_1615 IMG_1614 IMG_1613
IMG_1609 IMG_1608 IMG_1607 IMG_1606 IMG_1605 IMG_1603 IMG_1602 IMG_1600 IMG_1599 IMG_1598 IMG_1597 IMG_1593 IMG_1592 IMG_1591 IMG_1590 IMG_1589 IMG_1588 IMG_1587 IMG_1584 IMG_1583 IMG_1581 IMG_1580 IMG_1579 IMG_1578 IMG_1577 IMG_1576 IMG_1575 IMG_1574 IMG_1573 IMG_1572 IMG_1570 IMG_1569 IMG_1568