Daawo Sawiro..Xaflad soo dhaweyn ah oo lagu taageerayo Xillibaanadda Cusub ee Amina Cali iyo Waliba C/rashiid Hiradoo labadoodu ka wada sharaxnaa Xisbiga shaqaala

                      Xaflad soo dhaweyn ah oo lagu taageerayo Xillibaanadda Cusub ee Amina Cali iyo Waliba C/rashiid Hiradoo labadoodu ka wada sharaxnaa Xisbiga shaqaala ayaa 7/06/2014 ee Sabtidii todobaad kan waxa xaflad soo dhawayn ah loogu                                                                                                                                                                                                                             Xaflad   lagu taageerayay Xilibaanadda Cusub ee Amina Cali oo ka dhacday Galbeedka Londob.   Xaflad soo dhaweyn ah oo lagu taageerayo Xillibaanadda Cusub ee Amina Cali iyo Waliba C/rashiid Hiradoo labadoodu ka wada sharaxnaa Xisbiga shaqaala ayaa 7/06/2014 ee Sabtidii todobaad kan  waxa xaflad soo dhawayn ah loogu qabtay Savana Restourant  oo ku yaala xaafada Shapherds Bush ee Galbeedka Magaalada London.   Munaasabadan ayaa waxa soo agaasimay soona qaban qaabiyay xubno ka mid ah jaaliyada Somaliland  ee ku dhaqan Bariga London  oo iyagu intii uu olaluhu socday si weyn ugu olalaynayay sidii ay xubnahani ugu guulaysan lahaayeen ka mid noqoshada xubnaha golaha deegaanka ee Tower Hamlets. Sidoo kale waxa xafladda ka soo qayb galay Mayarkii hore ee Tower Hamlets,  Mayarkii hore ee Degmada Southerk iyo marti sharaf kale oo ka kala yimi meelo kala duwan oo kamida Magaalada London , oo dhamaantood muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin guusha ay gaadhay Amina Cali ee ku saabsan ka mid noqshada golaha deegaanka ee Degmada Tower Hamlets. Amina Cali  oo ka sharaxnayd  Xisbiga shaqaalaha kana soo baxday xaafada Bow Degmeda Tower Hamlets ee Bariga London ayaa u mahad naqday dhamaan bulshada Somalilada ee u codaysay gaar ahaan dadkii sida gaarka ula shaqaynayay intii uu olalaha Doorashadu socday, waxa kale oo ay iyana u mahad celisay marti sharafkii xafladaa isugu timi. Geesta kale waxa ay balan qaaday in aanay waxba ka hagran doonin bulshadeeda somalida ee ku nool Bariga London  oo ay ku dadaali doonto wax la qabashada shacbigeeda. Ugu danbayntii Jaaliyada   EAST LONDON SOMALILAND ALIANCE ayaa waxa ay shahaado sharafyo gudoon siiyeen Xilibaanaddaa Amina Cali oo Bulshadeeda wax badan la qabatay haatana kugu guulaysatay ka mid noqashada Golaha Deegaanka Tower Hamlet, iyo C/rashiid Hirad oo isna musharax ahaa isla markaana Toban cod ku waayay kursigii uu u tarmayay,  lana  shaqeeya Hay’adda Mine oo iyana la shaqaysa dadka Maskaxda wax ka qaba. Salaanmedia/ London.