DAAWO SAWIRO…XISBIGA WADDANI AYAA XAFLAD BALAADHAN KU QABSADAY DALKAN KANADDA TORONTO IYO TAGEERAYAAL BADAN OO KASOO QAYB GALAY.

WADDANI TORONTO: XAFLADDII QARNIGA

1

Waxa  Toronto lagu qabtay xaflaad aad u balaadhan oo lagu soo bandhigay barnaamijka xisbigga WADDANI  ku hogaamin doono Somaliland “ PARTY POLITICAL PROGRAM . Waxa kasoo qayb galay dad wayne aad  tiro  badan, iyo  xildhibaano ka tirsan Golayaasha  Baarlamaanka  Canada iyo Somaliland.  Waxa kale oo kasoo qayb galay wafdi balaadhan oo kasoo kicitimay OTTAWA. Waxa hadalo qiimo leh ka jeediyay Xildhibaan   Jim Karygiannis ( Liberal MP , House of Commons );  Xildhibaan Xussein Egeh, Prof Ibrahim Absiiye, Prof Mohamed Fadal, Prof Saed Sheikh ,Abdirahman Cali Dirayse, Guddoomiye Osman Sheik Dalmar,  Marwo Zuhuur  Abiib, iyo akhyaar kale oo faro badan. Waxa lagu soo bandhigay heeso  u gaar ah qaranka Somaliland iyo Xisbigga WADDANI. Waxa  xisbigga kusoo biiray xubno iyo taageerayaal cusub,  oo ku gancay barnaamijka Xisbigga kuna balanqaaday inay kusoo kordhin  donaan muruq , maskax iyo maalba.Waxaanu leenahay kusoo dhawaada xisbigga mustaqbalka, dugsigga  cadaaladda iyo horumarka.

1 2 3 4

Waddani Media/Canada Toronto

Ali Ibrahim “ Baqdaadi”,  Toronto.