Dable English barashadeed u badheedhay G

Dable English barashadeed u badheedhay

MAQAAL

Galab, galbaha ka mid ah ayaan guriga ka soo dhaqaaqay, waxaan usoo kicitimay suuqa oo sida caadada inoo ah ah meesha ama goobta inta badan aynu ku kala qaadano warka iyo waxa jira wakhtigaas. Galabtaasi waa galab Salaaso ah bishuna waa 16-kii, Bishii 4aad 2013, saacaduna waa 4:45pm.

    Socodkaygii ku waajahnaa suuqa, ayaa waxa aan kusoo baxay oo aan afka saaray Iskuulka loo yaqaan Salaama qaybtiisa lagu barto luqadaha iyo xisaabaadka kuna yaala bariga Jeelka wayn ee hargaysa.

    In ka yar 20 talaabo markaan u jiro, waxa ii muuqday arday faro badan oo isku jirta, hablo iyo inamaba leh, da’doodu isku dhex jirto, kana dhex muuqdaan dad aad u yar yar oo markaad aragto jidhidhico ku qaadyso, sida ay hami waxbarasho u hayaan khaasatan ku hadalka luqada Ingriirisi. Markaad indhaha ku dhufatana markiiba maskaxdaadda ay kusoo dhacayso dadyawga mudakarka ah hadana aan dan iyo muraad toona ka lahayn wax barasho iyo waax dhigasho midna. Haadii ay isku deyi lahaayeen-na ay wax badan oo ka qarsoonaa arki lahaayeen.

    Intii hore markaaan kasoo dhowaadayna waxaaba loo taagan yahay labo labo. Waa lawaada hadlayaa. Hadalo ayaa lays-waydaarsanayaa. Waa astaantii lagu yaqaanay arday baranaysa luqad. Luqadaasi ha ahaato ‘Ingiriii’ (English), ‘Carabi’, ‘Faransiis; (French) iwm, oo iyaguna ah luqado. Anigoo ku ildoogsanaya sida ay dadku wax u baranayaan yar iyo waynba ayaan socodkaygii iska sii watay. Waxa hadanaa ii muuqday nin askari ah oo ardayda dhextaagan weliba arday gaar ula hadlaya. Miyaa lasoo ashkateeyay oo su’aalo ayuu waydiinayaa? Ma arday dhib badan baa oo wuu u digayaa? Mise askariga laftiisa ayaa ah nin hadal badan oo shooshali (sheeko badan; dad dhexgal badan) ah oo ardayga iskala sheekaysanaya? Ayaan is waydiiyay.

    Ilbidhiqsiyo ka dib, “as you know my friend, as you know my friend, as you kno…” ayaa dhegahayga kusoo duushay, marka aan la beeganahay askarigii iyo wiilkii yaraa goobta ay taagan yihiin. Deg-deg baan u jaleecay, waaba askariga iyo wiilka yar cida kelmadahaas dhegahayga kusoo duulay ay kasoo baxayaan. Waan u dhowaaday si aan u xaqiijiyo in hadalka iyo labada qof (askariga iyo wiilka) ay is leeyihiin. “As you know my friend there are a lot of…” ayuu askarigu wiilka ku leeyahay. “Yes go on my friend,” ayuu wiilkii yaraa ugu jawaabay askarigii.

    Waan shoogay runtii, dhamaan shaqadii uu jidhkaygu waday wuu joojiyay. Af kala qaad mooye wax kale iskumaan ogayn. Maxaa yeelay, weli ma arag , mana badna ayaan filayaa, ‘askari’ heerkiisu aad u hooseeyo, dable ah, oo waxdhigasho iyo waxbaraasho u kicitima – weliba. Waxa inta badan la arkaa askariga marka darajadiisu aadka u hooseyso inuu ku fikiro meel la ilaaliyo; iyo intaa uu kor iyo hoos u eego shaqaduu hayo, dabeeto halkaas haylaha dhigto oo uu ku fikiro ‘nolosha intii badnayd way ku dhaaftay’e,  oo kaa tagtey’e inta kuu hadhay “qaad” iyo “sigaar” isku dhaafi.’

    Askariga wuxuu ahaa nin meel dhexaad ah xaga dhererka, aan buurnayn aadna u dhuubnayn, da’diisuna ilaa dhowr iyo sodon jir, bilaa gadh laakiin shaarubo leh. Wiilka ardayga ah se waxuu ahaa wiil da’diisu u dhexayso 10 ilaa 13 jir, maariin ah, aadna u dhuuban. Farqiga u dhexeeya waxaynu ku qiyaasi karnaa wiil iyo waalidkii. Hadii aad bidhaan arag ka aragtana waxaaba suurto gal ah in aad isku qancisid waa waalid iyo wiil is waaninaya oo waxbarashada kawada hadlaya amaba askari iyo arday wax dhex mareen oo su’aalo iyo jawaabo is waydaarsanaya.

    Iyadoo farqiga intaas leeg uu u dhexeeyo ayaa hadana isku qanacsanaanta ka muuqata askariga hadii aynu is nidhaa qiyaasa amaba cabira ay la mid noqonaysaa, wakhti aynu ku guulaysanay arin lama filaan ah sidaa uu dareenkeenu noqday. Ama akhriste hadii aad dib u yara milicsato wakhti wakhtiyada ka mid ah oo aad guul lama filaana gaadhay – wallow haba yaraato guushaasiye, taasoo ahayd mid aad kuu farax gelisay – wakhti xaadirkana aad dareemkeeda dhadhamin karto. Taas tu la mid ah ayuu ka dhignaa Askarigaas dareenkiisa isku qanacsanaadeed.

La soco….

Abu Xasan Xaaji Guray

Wishhope20@hotmail.com