Dahabshiil oo bilaabay tubtii dawlada inuu saxaafada soo horfadhiisiyo waji ku macaashyo.

Dahabshiil oo bilaabay tubtii dawlada inuu saxaafada soo horfadhiisiyo waji ku macaashyo.

MAQAAL

Iyadoo sida laga wada warqabo dahabshil u yahay udub dhexaadka dawaldani ku taagan tahay oo sidaas darteed loogu abaal guday in loo magacaabo dahabshiil inaabtigii wasiir xirsi inuu qabto xil daa’ina oo   sidoo kale u noqdo wasiirka u awooda badan dawladan oo matalaya danaha shirkadu ay leedahay taas oo ka dhigan abaal loogu gudayo shirkada Dahabshil kaalinti ay ku ladahay maal galinta xamaladii kulmiye waqtigii doorashada ku jirtay  iyo heeshiisyadii u la galay  Siiraanyo ayaa ilaa haatan la dabafadhiya dawladan hiil iyo hooba sida laga wada dharagsan yahay.

Si arintaa shacab waynaha loogu xaqiijiyo waxaa xusid mudan in dib loo jaleeco  dhamaan socdaaladii u madaxwaynuhu ku marayay gobolada oo u wahelinayay dahashiil walaalkii oo  u qaabiilsan qaybta horumarinta shirkada mashaariicdeeda iyadoo cid kale oo ganacsata ahi la socon. Arintan oo aan ahayn  markii ugu horaysay ama ugu danbaysay oo mar kaste madaxwaynaha u garab joogo qof ka mid shaqaalaha dahabshiil. Su’aashu waxay tahay muxuu doorkiisu ahaa  oo ula daba socday haddii aanay ahayn oo kaliya shirkada oo loo xidhiyo dhamaan wixii mashaariic  dalka ka qabsoomaya ama gobolada kala duwan.

Waxa laga wada dharagsan yahay sidii dawladani ay eex ahaan ku rabtay in ay ugu xidho dahabshil mashruucii sibidhka Berbera oo aan waxba la rabin in looga ogolaado bulshawaynta kale ee Somaliland ama ganacsata kale.

Waxaa marag madoon ahayn sida qayaxan ee shirkadani faraha ugula jirto siyaasada somaliya iyo somalilandba oo ay ka hortaagan tahay inuu dalku yeesho bangi dhexe oo xoog. Waxaana jira tuhun isasoo taraya oo tibaaxaya in shirkadani  tahay mid ka mid ah carqaladaha hortaagan aqoon raadiska Somaliland oo ay isleedahay waxaad ku waayi danahaaga gaarka ah.  Mar la waydiiyay cabdirashid  maareeyaha shirkada oo Brussels jooga arinta Somaliland waxa u sheegay in aanu waxba ka odhan Karin gooni iskutaaga Somaliland.

Dahabshiil waa shirkada kaliya ee ganacsi ee ugu bixis badan gubbo iyo laaluush la siiyo siyaasiinta Somaliya, iyada dhanka Somaliland  dawlada iyo shirkadu waa mid sida laga wada warqabo. Haddii kale maxaa keenay in dahabshiil  noqdo shirkada macalimiinta iyo shaqaalaha dawlada mushaarada siisa miyaanu jirin bangi dhexe.?

Waxaynu wada ogayn in dawlada Somaliya ay si adag arinta dhiigshil meel iskaga dhigtay markuu faraha kala bixi waayay oolagu gubay xaruumo badan oo kulahaa muqdisho iyo meelo badan.

Haddaba waxa la yaab ku noqday bulshawaynti Somaliland iyadoon barayahan danbe ay dawaldu mar meel ku soo urursiyo afar calooshooda u shaqayste si ay ugu hadlaan af beeleed ayaa dahabshil oo dawalada ay isku yihiin ul iyo diirkeed isaguna soo bandhigay afar oday oo yidhi waxaanu ka raalin galinayna hadal nin oday ah ka soo yeedhay oo yidhi ayaan adeeg dahabshiil la isticmaalin maadamo waa aragtidiisee ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka beeshiisa ka soo gaadhaya dawladan uu hormoodka ka yahay wasiir xirsi.

Odoyaashaa oo iyaga laftooda cid aanay u igman inay ku hadlaan afka beeshooda, maxaa ka keensaday inay yidhaahdaan waxaanu dahabshiil ka raali galinaynaa hadal nin kale ka soo yeedhay. Ma cidbaa cid ka wakiil? Hadii aanu dahabshil amrin isoo dhaha hadalkaa? Ayaa soo abaabul shirkooda?

Iyadoo hadaba xaqiiqada jirtaa ay tahay in aanu dahabshil  marnaba ka faro madhnayn siyaasada somaliya iyo Somaliland oo cid walba u muuqato labada dal  oo ay ugu danbaysay inuu iska laaluusho dahir calasaw oo daba gal ku samayn jiray iyo raad raac faro galintiisa u ku hayay dawalda Somaliya oo arintaa ay dhexdhexaadinteeda ka danbeeyeen boqor buurmadaw iyo safiir cabdifatax oo lacag lagu kala qaatay kampala  gaadhaysa hal milyan sanadkii hore dabayaaqadiisii oo sidaas darteedd aanu bogga internetka ee waagacusubi wax danbe ka soo qorin, ayaa waxa wax lala yaabo ah in odayaal iyo dad dano gaar ah leh ama u shaqeeyaa yidhaahdaan dahabshil siyaasad lug kuma laha.

isagoo dhanka kale haddaba ay soo food saartay dhaqaalo xumo iyo lacag yari ka dib intii akoondadiisii la xidhay iyo tartan suuqa oo xoogan gaar ahaan iyadoo laga dul qaaday cunaqabatayntii saarnayd shirkada al barkaad oo haatan dad badan oo reer koonfureed ka wareegeen dahabshil oo ay isticmaalaan xawaaladahoga u gaar ka , waxaan shirkada kula talin lahaa in aanay waayin macaamiishooda Somaliland oo ay iska daayaan inay kolba afar oday saxaafada soo horfadhiisiyaan si ay uga difaacaan wixii eedayn ah, hase ahaate ay tahay inay iyagu bayaan rasmi ah soo saaraan .

hore ayaa loo yidhi qiiq ma jireen haddii aanu dab jirin,maxaa loo waayay ganacsade kale oo lagu eedeeyo siyaasad imisa ganacsade ayuu geesku leeyahay maxaa kaligii koonfur iyo Somalilandba carrabka loogu hayaa inuu siyaasad ka madhnayn!!!!!!!!!!!!!!

Haddii ay sidaa yeeli waayaan oo shirkadu ka waantoobi waydo farogalinta siyaasaded waxa shacabka u muuqanaysa sida cadeed ama  odoyaal beeled ha soo uririyaan ama ha isku daba qariyaan dhawr calooshda u shaqayste oo amaanta shirkada ku soo qora barayaasha internetka oo mushaaro loo qoray, waxaa cadaan doonta tuhunka hore loo qabay ee ah in Dahabshil iyo dawaldu ay tahay lab dhinac oo lacag kaliya ah.

 

Caaqil cisman

caaqilcisman@gmail.com