Dawlada beesha Caalamka oo Somaliland ka codsaday in ciidamadeeda kala Baxdo Gobolada Sool iyo Sanaag.

image

Nayroobi(SM)War murtiyadeed si wadda jir ah ay u soo saareen, Danjirayaasha Somaliya u qaabilsan dalalka Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub ayaa ku baaqay in Gobolada Sool iyo Sanaag laga saaro Ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan.

Iyagoo sidoo kale sheegay in laga fogaado in la adeegsado xoog “Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah looga saaro ciidmada goobaha lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqaynaa dadka ay arrintaas Khuseyso inay ka waantoobaan rabshadaha,” ayay danjirayaashan ku sheegeen qoraal wadajir ay maanta soo saareen.

Danjireyaashan ayaa walaac ka muujiyey xaalka Degaanadaasi, iyagoo ku taliyey in la is xakameeyo “Waxaan ku baaqaynaa is-xakameyn iyo in laga hortago isticmaalka ciidamada. Dhammaan qaybaha ayquseyso arrintaan waa inay dadaal deg-deg ah sameeyaan si wadahadallo loogu xalliyo khilaaf iyo in si dhab ah loo muujiyo doonista ah in la abuuro waxyaabaha muhiimka u ah degenaasho waarta oo ka dhacda gobolka.”

War-mutiyadeedkan ayaa ku soo beegmaya maalin uu ka dib markii Ciidanka Qaranka ee Somaliland galay degmada Taleex, halkaasi oo ay ka eryeen Kooxda Khaatumo oo Shirku qabsanaysay.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Waheeen