Deg deg: Beesha Biimaal (DIR)oo War lama filaan ka soo saaray Heshiiskii….

image

Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Biimaal (DIR), ayaa waxay maanta si weyn kaga horyimaadeen heshiiskii lagu kala saxiixday Villa Somalia, ee ku qotomay in Maamul Goboleed loo soo dhiso Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Odayaasha Beesha Biimaal oo maanta kulan ballaaran ku yeeshay Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay kaga horyimaadeen in Gobolka Shabeellaha Hoose looga arrimiyo Magaalada Baydhabo.
Odayaasha, ayaa waxay aragti mideysan ka soo saareen kulankoodaan, waxayna ku cadeeyeen inaanay marnaba aqbali doonin in Maamul aan lagala tashan loo dhiso Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kulanka, ayaa waxay ka sheegeen in marxalad cakiran ay xilligaan ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna Dowladdu ugu baaqeen inaanay kaga sii darin arrimaha Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Odayaasha Beesha Biimaal, ayaa waxay rumeysan yihiin in Xukuumada C/weli Sheekh Axmed ku fashilmatay wax ka qabashada arrimaha ka oogan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoona ka digay in la sii cakiriyo xaalada Gobolka.
Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Biimaal, ayaa sheegaaya in Dowladdu ay qaadi doonto Masuuliyada, wixii dhibaato ah ee ka yimaada heshiiska lagu deg degay ee lagu kala saxiixday Madaxtooyada Muqdisho.
Beelaha wada degga Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa soo baxeysa in tiro yar oo ka mid ah uun lagala tashaday tallaabada Gobolka Shabeellaha Hoose lagu hoos-geynaayo Magaalada Baydhabo.