Dhacdooyinkii iyo Taariikhahii la soo marey, In wax laga barataa Habooneyd:

Dhacdooyinkii iyo Taariikhahii la soo marey, In wax laga barataa Habooneyd:

MAQAAL

            Waagii baryaa waayihiisa leh! Hoodo iyo hadimo  wixii u leeyahey hadhow lagu xasuusto. Taarikhaha ina soo marey wax baan ka baranaa si an uga foojignaano dhiilooyinka  ina soo marey ayna mar dambe ina halkeyn.  

   Waxyaabihii an ka baraney Taariikhaha in soo marey waxa ka mid ah in dawladnimadii Soomaaliya markey 23 ama 24 jirsatey da’ ahaan bilaabantey musuq, cadaalad darro, qabyaalad bilaa dhar ah, Eex iyo qaraabkiil, Cabudhin iyo cajugleyn, Ciidamo beeleysan oo ka gaar ah ku qaranku lahaa oo dadka gumaada, Ilaaliya danaha qoyska madaxtooyada. Taasi oo horseedey bilowgii kacdoonadii sababey burburkii  iyo jabkii dawladii soomaaliya, maantana Soomalidu daadsan tahey meel kastaba adduunka.

     Maanta, Soomaaliland ma waxey joogtaa da’dii  DAWLAD burburka?  Waxa maanta  muuqda ama ka jira Somaliland in alla intii ka jirtey Soomaaliya maalmahan oo kale. Miyaaney jirin cadaala darro, Cabudhin, Musuq maasuq,Eex iyo qaraabo kiil, kali talisnimo, ciidamada gaarka ah sida, RRUda iyo kuwa soo socda ee hadda la filayo, abuuristoodiina bilaabanteyba. Shirkadaha shidaalka miyaaney ciidamada qaranku leeyahey ee kala gedisani suggi kareyn amniga qaranka  guud ahaan iyo gaar ahaan Shirkadaha aminigooda food saarka looga dhigayaa. “Sacabka maxaa habeenkii loo tuntaa, Haddii aaney Xeelad kale ku jirin!”. Ciidamadeenu ma suggi kari waayine timir laf baa ku jirta!

      Haddii aad xasuustaan Xisbigii Hantiwadaaga ee kaligii wadanka ka jirey in khilaaf iyo isqabqabsi dhexdiisa fooda la isla galey; waana tii sababtey in madaxdii sar-sare ee Xisbiga/dawlada , oo ay ka mid ahaayeen; Ismaaciil Cali Abokar, Cumar Carte iyo qaar kaloo badan la muquuniyo oo Xabsiga loo taxaabo. Khilaafkan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadii uu dhaley isu muquuninayaan, MIYAANEY la mid aheyn kii maalintaa ay xisbigii Hantiwadaaga iyo dawladii uu dhaley ka dhex jirey?

    Haddaba, ma haboon tahey in la iska mooso. Masiibo, hor la qabto ayey leedahey, daba la qabto ma leh. Waxey ila tahey si fudud waan iska moosi karaa. Haddii aaney xalka qayb aheyn, Dawalada, Baarlamaanka iyo Guurtiduba  inta shaadhka ay hadda gashan yihiin huwan yihiin. Sababtu waxey tahey:

1) Xukuumada wey fashilantey; wey lumisey kalsoonidii shacabka; mar haddii xisbigii dhaleyba halka ay kala fadhiyaan aragno. Waayo, waxa dadku codka iyo kalsoonida siiyeen Xisbiga Kulmiye mabaadiidii iyo balan qaadyadii uu dadka ka iibinaayey u beec galey. Sharciyadii xisbiga iyo mabaadi’dii laguma shaqeeyo.

2) Dhibaatadu waxey timid markii dhismihii dawlada xisbigii codka iyo kalsoonida lagu siiyey in ay mabaadiidii shacabka ka iibiyeen talada dalka ku hogaamiyo iyo rukunadii xisbiga; dhammaan laga reebey dhismaha xukuumada.

3) Golaha xukuumada ka kooban xubno horeyba aan Xisbiga ugu jirin, marka laga reebo ODEYGA iyo dhawr durbadii laga Eryey mooyee. xubnahan oo dano u gaara wata, balse aan u adeegin danaha shacabka, dalka iyo xisbiga midna. Waa arrinta salka u ah Kilaafka Kulmiye iyo dhibaatooyinka dalka ka socdaa.

4) Mar haddii Xisbigii loo doortey hogaaminta dalka; aanu hogaamin waddanka oo isagiiba la baabiyey. Kuwan xisbigii maroorsadey, sharciyada madaxtooyada iyo xilalka dalka ku xukumayaan maxey tahey? ma waxa lagu aamini karaa doorasho xor ah oo si xalaal ah loogu tartamo?

5) Baarlamaanka iyada oo waqtigoodii sharci ee dadku u igmadeen mar hore  dhammaadey, ayey haddana ku milmeen xukuumada. Markaa, waxa xukuumadu farto mooyee wax kale lagama filan karo.

6) Golaha Guurtida; waxey meesha u fadhiyaan in xukuumadu waxey wadato SHAABAD weyn u saaraan; taasina inagama badbaadineyso  khataraha imaan kara.  Waxa markhaati inoogu filan go’aankii shaley ee ay dhinaca ula ciireen. .“Gaal dil Gartiisana sii”. Guurti ma garan weydo garta, haddii ciladi ku jirin!

               Inkastoo, waxyaabihii dawladii Somaaliya sababsatey muuqdaan, waxan kaga duwan nahey ; waxa inoo dhisan Axsaabta qaranka, Kulmiye, Wadani iyo UCID , oo ah kuwa kaliya ee sharci ga ah. Waxey heystaan codkii iyo kalsoonidii shacabka ee ka dhigey Axsaab Qaran. Sidaa darteed, waxey ila tahey in haddii saddexda xisbi isu yimaadaan ay si wada jir u dhisaan dawlad ku meel gaadh ah (Take Care Governmen) oo doorasho xalaal ah qabata.

           Wa Bilaahi Tawfiiq.

Abdi Geireh.

ageereh@yahoo.com.