Dhalinyarada Beesha Sacad Muuse Waxay Si Mug Leh U Cambaaraynaysaa Falkii Argagixisadaa Ahaa Ee Lagu Weeraray Wasiir Ku-xigeenkii Hore Aminga

Dhalinyarada Beesha Sacad Muuse Waxay Si Mug Leh U Cambaaraynaysaa Falkii Argagixisadaa Ahaa Ee Lagu Weeraray Wasiir Ku-xigeenkii Hore Aminga

 CAMBAREYN

Dhalinyarada Beesha Sacad Muuse (Habar Awal), waxay si adag u Cambaaraynayaan Falkii foosha xumaa ee Habeen badhkii lagu Wareeray Wasiir Ku-xigeenkii hore Aminga MudaneCabdillaahi Abbokor Cismaan.

 

Weerarkii lagu qaaday Cabdillaahi Abbokor Cismaanoo ahaa mid waxshinimo iyo Argagixiso ah, ayaa marag cad u ah cabudhinta ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Shacabka, iyadoo Muwaadiniinta loo diidayo inay fikirkooda cabiraan six or ah, waxaana hubaal ah in haddii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo joojin waayo cabudhinta uu shacabka ku hayso in ay ka dhalan karto Kacdoon shacab.

 

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxay u dhaqmaysaa sidii dawladaha ay Maamulaan Digtaatoorku, iyadoo Cabudhin joogta ah ku haysa Saxaafada Madax Banaan oo ilaa imikana ay u xidhan yihiin laba Wargeys, taas oo ay dheer tahay xadhiga joogtada ah ee lagu hayo Muwaadiniinta.

 

Waxaanu leenahay Madaxweyne kaa aqbali mayno wixii ay Ummadani ka dagaalantay ee ay Siyaad Bare kula dagaalantay ma dhici karto in lagu xadgudbo Xaqa Muwaadinka, lagaamana filayn inaad sidii askarta u dhaqanto.

 

Haddaba waxaanu Madaxweyne Somaliland u diraynaa baaq kaas oo aanu ugu sheegayno inuu sida ugu dhakhsaha badan uu xoriyadiisii ugu soo celiyo si bilaa shuruud ah Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Aminga MudaneCabdillaahi Abbokor Cismaan.

 

Wabilaahi Tawfiiq

 

Guul iyo Gobonimo

 

Dhalinyarada Beesha Sacad Muuse (Habar Awal)