Dibid Baxyo lagaga soo horjeeday cabudhinta ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku hayso xoriyatal qawlka, xadhiga iyo xayiraada sharcidarada ah ayaa

th

Hargeysa(SM)Dibid Baxyo  lagaga soo horjeeday cabudhinta ay xukuumada madaxweyne ku hayso xoriyatal qawlka, xadhiga iyo xayiraada sharcidarada ah ayaa maanta ka dhacay abaabka hore ee maxkamada gobolka Hargeysa oo ay ka socotay dacwad wasiiro xukuumada ka tirsani ay dhibane ka yihiin oo lagu soo oogay masuuliyiinta wargeyska Haatuf ee Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige.
Dibadbaxyaashan ayaa siday boodhadh ay ku xardhan yihiin muqadis-nimada xoriyatal qawlka iyo madaxbanaanida saxaafada Somaliland oo uu damaanad qaaday distoorka qaranku ayaa sidoo kale waxa ay ku taageerayeen banaanbaxan masuuliyiinta wargeyska Haatuf ee maanta maxkamada la keenay oo ay dadweynuhu indhahooda ku arkayeen cadaalad darada iyo ku tacadiga suxufiyiintaasi Haatuf lagula kacay.
Banaanbaxan ayaa waxa soo abaabulay ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja kaas oo sidoo kalena ay si weyn uga dhex muuqdeen dibadbaxa taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga UCID oo uu horkacayo musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Mr. Jamaal Cali Xuseen.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Intii uu dibadbaxaasi socday ayaa waxa dadweynaha la hadlay xoghayaha ururka Solja iyo musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen kuwaas oo dadweynaha u sheegay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada iyo gaboodfalada ay xukuumadu ku xayso warbaahinta madaxa banaan.
Dhagaysiga dacwadan oo noqonaysa tii saddexaad ayaa masuuliyiinta Haatuf iyo qareenadii u doodayey oo hore u duray garsooraha dacwada qaadayey isla markaana loo balan qaaday in laga badalayo ay Maxkamada iyo garsoorka dalku kaga baxay waxaana dhagaysiga dacwadaasi soo fadhiistay garsoorihii Haatuf iyo qareenadooduba ka biyo diideen in aanu dhexdhexaad ka ahayn kiiskan ay xukuumadu dhibanaha ka tahay, taas oo keentay in aakhirkii qareenada Haatuf ay dibada uga baxaan dhagaysiga dacwadan si ay maxkamada iyo xukuumadu ay iskaga wataan xukun qarqooshkooda.
Waxaanay maxkamadu go’aamisay inay soo gabogabaysay dhagaysiga dacwada masuuliyiinta Haatuf isla markaana ay 24-ka bishan ay sheegi doonto xukunka ay ku riday madaxda wargeyska xayiran ee Haatuf.

 

IMG_15076

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Salaanmedia/Hargaysa

@Haatuf