DIGNIIN IYO TALO KU SOCOTA SULDAAN MAXAMED IYO M/WEYNE AXMED SIILAANYO

image

DIGNIIN IYO TALO KU SOCOTA SULDAAN MAXAMED IYO M/WEYNE AXMED SIILAANYO

 

Marka hore saxaafadda waan salaamayaa iyo bulshoweynta reer Somaliland, anigoo ah Siyaad C/laahi Digaale. Qoraalkan waxaan kaga dhiibanayaa fikirka aniga iyo in kale oo ila mid oo badaniba ka qabno, xaaladda maanta taagan iyo hadal dhawaan ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Sul: C/qaadir, oo saxaafadda soo mariyey hadalo aan munaasib ahayn.

Inaga oo og in ilaalinta xasiloonida iyo nabadgelyadu ay tahay dan guud oo cid waliba leedahay oo aan la kala sheegan karin, cid walbana waajib ka saaran yahay ilaalinteeda, haddana wixii eedayn ah iyo wixii sharciga in la is horkeeno ah waxaynu u igmanay dawlad. Dawladana waxaa ku waajib ah inay iyadu kow ka noqoto sharciga ilaalintiisa, kadibna cidii ku gefta ay iyadu ku qaado wuxuu muteysto, iyadoo dawladu ka kooban: Garsoor, Sharci-dejin iyo Xukuumad. Qaybwaliba ay ciyaarto waajibkeeda ay leedahay, iyadoo madaxbanaan, sharcigana raacaysa.

Marka se shakhsiyaad magac qabiil huwan, oo dano yar oo gaar ahaaneed ilaashanayaa ay ku dhawaaqaan eedaymo iyo dacwad la isku qaado, waxay taasi keenaysaa in dawladnimadii inaga wiiqanto. Hadalka ka soo yeedhay suldaan Maxamed, waa kicin iyo xaalad abuur. Marka uu dembi cid ku eedaynayo, isaga oo aan u haynin cadaymo muuqda oo la taaban karo, waxay noqonaysaa gef uu dadka ka gelayo. Hadaba, waxaan kula talin lahaa inuu ilaaliyo magaca beesha qiimaha leh ee uu huwan yahay. Waxaan kale oon kula talin lahaa in aanuu maanta na odhan nabadgelyadaan idinka difaacayaa, iyadoo maanta nabadgelyadeenu ay Illaahay mahadii meel adag oon la liicin karin ay taagan tahay, shacab kuna bislaadeen, heeganna u yihiin. Wakhtigii nabadgelyadan seeska loo dhigayeyna waatii lagaa laaluushi jiray, ee maanta ilaalin kaagama baahna iyo dhiig qubid toona, xiligii loo qubayey ee la aas-aasayey halkii aad ka degtey sow ma ogid? Magaalada, markaad leedahayna, sow ma ogid in aad beer dhaxal ah kusoo gashay, oo gabadhii lahayd aynaan dhaxalkeedii qaybsan weli. Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland inaad sheegato iyo inaad waxaa ku hadashaa isma waafaqayaanne halkee iyo goortee baa xilkaas laguu caleemo saaray? Ee beelaha dalka dega oo dhami ay kugu doorteen baa la is waydiin doonaa.

Dhinaca kale, waxaan la hadlayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo aan leeyahay ha noqon, ninkii Oromada ahaa ee la siiyey hasha. Ee sugi kari waayey intii ay hasha shinkeedu u buuxsamyey, oo mudo 13 bilood ah; ee u qaatey in aan geelu dhalinba, sidaana ku iibeyey hashiisii. Kadibna maalin buu arkay nin kale oo Oromo ah oo wata neef geela oo hal riman ah, dabadeed inta uu is haynkari waayey buu isku dayey inuu u digo saaxiibkii isagoo leh: “waaryaa iskadaa ma dhashee”. Waa halkii ninkaas Oromada ahe, Siiraanyo waxaan ku leenahay adeer ma dhashee iska daa.

Bulshadeenuna waa mid bisil oo wax badan oo riqiis ah kasoo gudubtay kana kortey, maantana aayahooda iyo dantooda nin daneyste ahi ugama sheekayn karo.

Siyaad C/laahi Digaale

Hargeysa, Somaliland

siyaaddigaale@hotmail.com