Dowladda Ingiriiska oo ka digtay weeraro ku soo fool leh Wadanka Jabuuti

image

 

 

 

 

Dowladda Britain, ayaa waxay sheegtay inay heshay macluumaad xagga Sirdoonka ah, oo muujinaaya in dalka Jabuuti uu u nugul yahay weeraro argagaxiso oo kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

Britain, ayaa waxay Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti kaga digtay weeraro abaabulan oo ka dhaca dalkeeda, oo ay suurta gal tahay inay ka geysato Al Shabaab.

War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Britain, ayaa Muwaadiniinta reer Britain looga digay inay u socdaalaan Jabuuti, sababo la xiriira weeraro argagaxiso oo ka dhici kara dhowaan.

Weeraradaan, ayaa waxaa lala beegsan karaa goobaha ay ku badan yihiin dadka reer Galbeedka iyo weliba danaha uu reer Galbeedku ka lee yahay dalkaasi, iyadoona Jabuuti iyo Muwaadiniinta reer Britain-ba lagula taliyay feejignaan inay sameeyaan.

Ujeedada Al Shabaab ay u beegsaneyso dalka Jabuuti, ayaa waxaa lagu sheegay mid uun ka dhalatay Ciidamada Militariga ee Dowladda Jabuuti u dirtay Soomaaliya, si ay nabadda kaga shaqeeyaan.

Al Shabaab waxay marar kala duwan ay Warbaahinta ka sheegtay inay weeraro la beegsan doonto, dhammaan dalalka ay Ciidamadu ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Shabaabku waxay la dagaalan adag kula jiraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogaga Midowga Afrika, ee ka caawinaaya xasilinta dalka ay dagaalada sokeeye la deggeen.

Mareykanka, ayaa Isniintii ka digay weeraro argagaxiso oo ay Al Shabaab ka fuliso dalka Jabuuti.

Salaanmedia/Mogdisho