Dowladda Kenya oo si adag u sheegtay in ciidamadeedu aysan kasoo bixi doonin Soomaaliya


 

image

Dowladda Kenya ayaa markale waxa ay ku celisay in ciidamadeeda ka jooga gudaha dalka Soomaaliya aysan ka bixi doonin Soomaaliya, xilli Mucaaradka dalka Kenya ay ku baaqeen in ciidamada Kenya laga soo saaro gudaha dalka Soomaaliya.

Kuxigeenka Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Kenya ay Soomaaliya ujoogaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen nabadda iyo kala dambeynta Dalka Soomaaliya.

Mr Ruto, ayaa tilmaamay in ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ayna sii joogayaan Soomaaliya ilaa Nabadda lagu soo dabaalo.

“Ciidamadeena waa ay sii joogayaan Soomaaliya ilaa nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya”Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya William Ruto.

Wixii ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada culus ee ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya Xisbiyada Mucaaradka dalka Kenya waxa ay ku baaqeen dhowr mar in ciidamada Kenya laga soo saaro gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo baaqaasi Dowladda Kenya ay iska indha tirtay.

Ciidamada Kenya xoogooda waxa ay ku sugan yihiin Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasi oo ay ka howlgalaan, waxaana ciidamada Kenya lagu eedeeyay inay Gobaladaasi ka geysteen tacadi ka dhan ah dadka shacabka.

Al-Shabaab ayaa dhawaan weeraro culus ka geysteen deegaano ku yaalo Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen dad badan, Guryo ay ku gubeen sidoo kalena haween ay kasoo qafaasheen.

Salaanmedia/Mogdisho