Dowladda Mareykanka oo ka digtay weeraro Shabaab Muqdisho ka geystaan inta Ramadaan lagu jiro

image

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay shacabka Muslimiinta ah ugu hambalyeysay Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maalinta beri ah ku beegan, dadka Muslimiinta ahna ay soomayaan.

Mareykanka wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, maadaama ay suuragal tahay inay qaraxyo Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho.

Dowladda Mareykanka waxa ay ka digtay suurtagalnimada weeraro Al-Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Shacabka Muslimiinta ayaa loogu baaqay inay ka faa’iideystaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyaga oo ka fogaanaya wax waliba oo Diinta Islaamka ay mamnuucday iyo waxyaabaha qal-qalgelin kara ammaanka.

Digniinta kasoo baxday Dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaan Booliiska Soomaaliya ay shaaciyeen rag iyo gaadiid waxyaabaha qarxa ay saaran yihiin oo Magaalada Muqdisho ku dhexjira.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho jooga ayaa la geliyay heegan buuxa oo ku aadan hanaanka sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho oo ay suuragal tahay in shabaabka ay weeraro geystaan.

Al-Shabaab ayaa horay usheegtay inay kordhiyaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Salaanmedia/Hargaysa