Dowladda Somaliya oo Ciidan isku dhaf ah geysay Magaalada Marka


image

Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay Ciidan isku dhaf ah ay geysay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, si looga gudbo xiisada u dhaxeyso beelihii ku wada dagaalamay.

Ciidamadaan oo shalay la geeyay Magaalada Marka, ayaa waxay isugu jiraan Militari, Nabadsuggid iyo Boolis, iyadoo la doonaayo in la kala qaado maleeshiyo beeleedyadii ku wada dagaalamay qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadaan, ayaa waxaa Magaalada Marka geeyay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ahna Ku Simaha Wasiirka Amniga Qaranka General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo weli ku sugan Magaalada Marka. Waxayna Ciidamadaan ka amar qaataan Wasiir Xaamuud.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa wuxuu xaqiijiyay in Dowladdu ay Ciidan isku dhaf ah geysay Magaalada Marka.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada la geeyay Magaalada Marka, ay ka madax banaan yihiin maleeshiyada beelaha Habargidir iyo Biimaal, oo iyagu ku hardamaaya Shabeellaha Hoose.

C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa ku waramaaya in Ciidamadaan ay tiradoodu gaareyso dhowr boqol oo askari, waxaana la kala dhigay Saldhiga Dhexe ee Marka, Bartamaha Magaalada Marka iyo Kontoroolka hore ee laga soo galo Magaalada.

C/qaadir Siidii wuxuu kaloo sheegay in dhex dhexaadin laga dhex wado beelaha wada dagaalamay, isla-markaana ay meel wanaagsan mareyso wada xaajoodka laga dhex wado.

Salaanmedia/Moqdisho