Dowladda Somaliya oo maanta heshiis rasmi ah la saxiixatay Midowga Yurub (Daawo Sawirada)

image

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Nairobi ku saxiixday kamid noqoshada dawladdaha ku bohoobay Africa, Caribbean and Pacific iyadoo Midowga Yurub uu qayb firfircoon uga jiro kaalmada dalalka (ACP) oo kulankoodii 99-aad maanta lagusoo gaba gabeeyay xarunta KICC ee magaaladda Nairobi iyadoo ay kulankan goob joog ka ahaayeen inta badan xubnaha ACP iyo Midawga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxda EU ee Horumarinta Gargaarka Mudane Andris Piebalgs ay kala saxiixdeen heshiiska kamid noqoshada dalalka ACP. Dalka Soomaaliya ayaa ka maqanaa muddo 25 sano ah xubin kamid noqoshada iyo ka shaqaysiinta heshiiskii Cotonou Agreement oo ay ku wada jiraan dalalka ACP. dhanka kale Midawga Yurub ayaa maanta ugu deeqay Soomaaliya lacag dhan 400 Milyan oo doolar oo ah lacaga lagu caawiyo dalalka ku jira ACP oo EU ay qayb ka tahay.

Kaalmada Midowga Yurub waxaa ka faa’iidaysta dalalka xubnaha ka ah Africa, Caribbean and Pacific Group of State (ACP) iyadoo loogu tala galay in lagu fuliyaa dhismaha nabadda, xasiloonida , kobcinta dhaqaalaha, yaraynta faqriga, iyo horumarinta maaliyadda.

“Heshiiska Soomaaliya ay maanta ku gashay Nairobi waa mid taariikhi ah, sababta keentay in aan saxiixno waa in aan dib uga soo muuqanno caalamka isla markaana aan wax la qaybsanno dalalka ACP oo aan kamid noqonay. Waxaan rajaynayaa in ay arrintan qayb ka qaadato dhismaha dawlad Soomaaliyeed oo xiriir iyo wada-dhowaansho la leh caalamka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo ka hadlay heshiiska

“Waa farxad in Soomaaliya oo muddo dheer ka maqnayd xubinnimada (ACP) ay maanta saxiixday heshiiskan, waxaa ay ka dhigantahay in awood naloo siiyo in aan maamulanno lacagahaasi naloogu deeqo. Waxaan fursad u helaynaa in EU au deeqaha iyo lacagaha horumarineed si toos ah ugu gudbiso Soomaaliya maadaama aan kamid nahay dalalka ku bohoobay ACP.” Ayuu yiri Prof Cabdulaahi Sheekh Cali “Qaloocoow” Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho