Faallo…..:Sidaan arko Mustaqbalka kulmiye iyo waxa uu ku danbeyn doono.

Kulmiye-logo-138x145
Xisbiga kulmiye oo uu guddoomiye u ahaa Madaxweynaha talada dalka haya MUD: Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa uu xukunka la wareegey Jun26 -2010.Isla bil ka dib ayuu MD:Siilaanyo ku wareejiyey Guddoomiyanimadii xisbiga ku xigeenkiisii oo ahaa MUJ: Muuse Biixi Cabdi.sida ay ku warrameen dadka ku dhowo dhow xisbiga kulmiye waxa bilowgii xukuumadda cusuba soo ifbaxey ifafaalo u muuqdey in uu madaxweynuhu iskaga fogeeynayey rag ay muddo dheer soo wada halgamayeen,Waxa ay sheegeen in markiiba la bilaabey in aan apointment la,aan lagula kulmi karin madaxweynaha taas oo lama filaan ku noqotey halgamyaashii xisbiga.Waxa xigtey in dowladdii la soo dhisayna laga qadiyey raggii hormoodka u ahaa xisbiga oo quudareynayey in ay ka mid noqon doonaan golaha Wasiirada. Raggaa waxa ka mid ahaa Muusa biixi,Cabdiraxmaan Cabdilqaadir iyo rag kale oo badan.Muddo ayey ka dhursugayeen golaha wasiirada ee madaxweynuhu soo dhisi doono ugu danbeyntiina waxa ay candhuuftoodii dib u liqeen  ka dib markii lagu dhawaaqeey golihii wasiirada.
Waxa la yidhi haddii hilibku ku dhaafey maraqqa cab.Muuse waxa ay la noqotey bal in uu ku mintido xisbiga mustaqbalna ka raadsado.raggii kale nin ba si uun buu yeeley, mid iska aamusa kana dhursuga mustaqbalka sida Cabdi aw daahir oo aakhirkii ku guuleystey in uu helo wasiirka xanaanada xoolaha iyo nin u adkeysan waayey caddalada darrada ku dhacdey sida Cabdiaraxmaan Cabdilqaadir oo afka furtey  waxa ku dhaceyna dhayda ka caddeyey. Taasi oo galaafatey ka dib markii dhabarka laga jebiyey debeddana looga tuurey shirkii xisbiga.Muuse xisbigii looma deyne waxa soo  baxey rag han leh oo damcey in ay Muuse kula baratamaan jagada guddoomiye nimada xisbiga arriinkaasi oo Muuse ka biyo diidey una aaneynayey in uu ka danbeeyo madaxweynuhu.Is qabqabsi ka dib waxa madaxweynuhu go,aansadey in aan guddoomiyenimada xisbiga Muuse looga hadho taa bedelkeedna Murashaxa xisbigu noqdo Madaxweyne Siilaanyo.Muuse oo ku taamayey in uu mar uun noqdo Guddmiyaha rasmiga ah ee xisbiga ayaa markii uu isku hubsadey guddoomiyanimadii laba cisho ka dibba waxa uu ku dhawaaqey in uu yahey Murashax u taagan jagada madaxweynaha taasi oo ka cadheysiisey Madaxweyne Siilaanyo waana halka uu ka qarxey fulkaanaha xibiga kulmiye ee ay imika bakhtiiyeen ilaahey haka abaalmariyee odayada guurtida ee uu ugu horreeyo.
X.Cabdikariim(waraabe)Su,aashu waxa ay tahey Muuse iyo taageerayaashiisu ma ku qancidoonaan go,aanka odayada?Jawaabtu waxa ay ila tahay waa MAYA. Sababta oo ah guddoomiye Muuse Biixi oo waqti dheer  u soo samrayey ayaa maanta waxa ula muuqataa in uu joogo fursaddii ugu danbeysey ee uu isugu taagi lahaa hogaanka dalka.Haddii uu maanta ka hadhona shan sano ka dib aannu uga dhoweyn jagadan siyaasiyiinta kale ee reer soomaaliland, Taageerayaasiina wey adagtahey in uu ku qanciyo wax ka yar murashaxa mawaxweynaha.Allaa og waxa ay ku danbeyn doonto waxase wax kasta ka horreeya adkeynta nabadda iyo wada jirka ummadda reer Soomaaliland.
Reply, Reply All or Forward | More