Faallo:Doo​rasho ma dhici kartaa Somaliland 2015?

unnamed

Bal marka hore aan is barbar dhigo Mucaaradka iyo Xukuumadda talada haysa sida ay u arkaan iyo weliba dhinac katsaa tabaha iyo xeeladdaha uu ku waajihi karo doorashada la hadal hayo sanadka inagu soo fool leh.
Aan ku horreeyo Xisbiga,Wadani,Guddoomiyihiisa mudane Cabdiraxman Cirro Waxa uu markasta ku celceliyaa in doorashadu waqtigeedii inoogu qabsoonto,isaga oo weekgan ina dhaafey si wada jir ah isaga iyo Guddoomiye Faysal cali waraabe uga digeen  Guurtidu iney ka feejignaadaan in khilaafka Kulmiye lagu dhexdhexaadiyo muddo kordhin.Sidaa si la mid ah ayaa murashaxa Xisbiga UCID Mudane Jamaal Cali Xuseenna uu fagare kasta ka sheegaa in aan muddo kordhin mar naba la ogolaan doonin.Iyada oo aynu ka dheregsanahey in qabyo badani ka jirto u diyaar garowga doorasho waddanka ka dhacda,sida arrimaha dhaqaalaha ku bixi lahaa,gudiyada doorashooyinka,Komishanka,doorashada baarlamka oo ka soo horreyn karta iyo iyo arrimo u gaar ah xisbi kasta gudiisa.Dhinaca xukuumadda haddaan si kooban u sheego iyaduna waxa ay markasta umadda u sheegtaa in doorashadu qabsoomi doonto waqtigeedii.Kaba soo qaad in labada dhinacba isla qaataan in la qabto 2015. Xukuumaddu mar horeba waxey bilowdey ololeheedii,sida wadada Ceerigaabo,weftiyada galaa baxaya waddamada debadda iyo arrimo kaleba.Waxayna dadka indho sarcaad uga dhigtaa ka bad badin mashaariic gaar loo leeyahey oo waddanka laga hirgeliyey,Waxa kale oo ay xukuumaddu gacanta ugu jira dhammaanba laamaha dowladda oo qeyb weyn ka ciyaari doona hanashada guusha.
Waxa kale oo ay dowladdu dadaal dheer u gashey in ay hanato gobolada baallaha soomaaliland,sida gobolka Sanaag,Sool,Salal iyo Boraba oo ay ka fulisay mashaaric sidaa darteeda waxa ay isu arkaan in ay guushu iyaka raaci doonto. Dhinaca Mucaaradku Waxa ay aaminsan yihiin  Xukuumadda iyo kulmiyeba in wax badan lumiyey kana duwanyahey xaalku kii ay hore ugu soo bexeen in ku dhow 50% Sannadkii 2010, ayna ka faa,iideynsan doonaan Kulmiyaha kala xabaalo seegey maanta oo guushana casar dheer la hulleeli doonaan.Waynu eegi ayaamaha kooban ee inaga xiga haddii alla idmo
Qore: Ibrahim Deria
  South London