FAALO..GUURTIDA SOMALILAND MA DHEX BAY NOQDEEN MISE DHINAC?

GUURTIDU MA DHEX BAY NOQDEEN MISE DHINAC
10363885_4173089423060_8723105850656662861_n

Go’aanka ka soo baxay Golaha Guurtida ee khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa dad badani aad u qawaday oo qaadanwaa ku noqday, taasoo ay ka filayeen Go’aanadii hore qarankani uga bartay ee ay wax ku dhexdhexaadin jireen. Waxase iska cad in Go’aankan dambe uu ka ujeeddo duwanaa kuwii Guurtida hore looga bartey, si gaar ahna uu Md. Saleebaan u danaynayey dhexgalka arrinta khilaafka Kulmiye.

Shalay Xisbigii UDUB ayaa khilaaf ku baaba’ay, UCID ayaa laba garab u kala jabay oo labada Xisbiba Maxkamad isla galeen iyadoo murankooduna ku soo beegamay wakhti Ururo la furay, doorashan loo diyaar ahaa. May dhicin inuu Guddoomiye Saleebaan midna usoo gurmaday oo khilaafkooda dhex galay.
Khilaafka Kulmiye markuu dhacay Saleebaan markiisa horena reernimo ayuu ku dhexgalay isaga iyo koox reerkiisa ah oo uu oday u ahaa, markii uu dib u soo cusboonaadayna si degdeg ah ayuu uga soo dhoofay Ingiriiska waxaanu si toos ah u magacaabay guddi uu Guddoomiye u yahay Go’aankuna uu noqday inaan la gar qaadin ee Garabkii Madaxweynaha si toos ah loola saftay.
Waxaynu ognahay:
1. In Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta ee shirguddoonkii Xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay aan laga ansixin Shirweynihii Xisbiga oo xaq u leh in magacyada xubnaha laga ansixiyo sida ku xusan Xeer Hoosaadka Xisbiga iyo Xeer No: 14 Qodobka 25aad faqradiisa 4aad
2. In iyadoon Guddoomiyihii Xisbiga la soo marin lagu dhawaaqay loona gudbiyey hay’adihii sharcigu tilmaamayey (Xeer 14 Qod. 25aad faq. 5aad)
3. In Guddigaas Shirguddoonku ku dhawaaqay tiro lagu qiyaasay ilaa 60 xubnood ay yihiin shaqaale dawladeed
4. In Guddiga Diiwaangelinta uu dhamaaday muddadii loo ansixiyey ee 2da sanno ahaa, ilaa haddana aan dib looga ansixin Golaha Wakiilada horena G/Wakiiladu u joojiyey Misaaniyadii Xukuumaddu kusoo dartey madaama oo wakhtigoodu dhacay.

Markaad qodobadan eegto waxaad si cad u arkaysaa inaan wax sharci ah loo raacin Go’aanka Guurtida. Waxaanan qabaa in Xaaji Abdi Karim iyo dhawr oday oo uu ku jiro shuruucda laga hoos dusiyey

Waxaan u mahadnaqayaa sida geesinimada leh ee uu Guddoomiye Muuse Biixi ugu hoggaansamay Go’aankaa ujeedada kale huwanaa kuna baajiyey dantii Saleebaan iyo ciddii kula socotayba ka lahaayeen.

Waxaan shacbiga reer Somaliland-na u soo jeedinayaa inay meel uga soo wada jeedaan oo aanay cidna ku halleyn amniga iyo nabadgelyada qaranka J/Somaliland. Ogaadaana inuu dalkani cadow badan leeyahay, himiladeenana aynu ku gaadhi karno feejignaan iyo wada jir.

Allah ha Guuleeyo Somaliland
Abdi Halim M. Musa