FAYSAL CALI WARAABE WAXAA ISKAGA KHALDAMAY GANACSIGII IYO SIYAASADDI –

Daawo Muqaal…Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Warabe oo London lagu soo dhaweeyey.

ma jiro wax sharci ah ama qodob dastuuri ah oo ganacsiga xuduud u yeelaya , dal uu kajiraana ma jirto, haddaba adeer xaggeed ka keentay

 Ugu   horrayn waan  salaamayaa   warbaahinta,  marka  xiga ,    waan  hubaa  in  dad  badani  yaqaaniin   faysal  cali  waraabe iyo  waxa  uu  sheegayoba

aad   u  garanayaan  oo  aanay  dheg  u  dhigin,  laakiin   waxaan  la  hadlayaa    dadka  warmaqabtada  ah  ee  moodaya  in  nin wayni  hadlayo.

waxaan   arkay  maqaal  faysal  kaga  hadlayo   shir  ganacsiga  iyo  maalgashiga   iyo  fursadaha  ka  bannaan  somalia  lagaga  hadlayo ,  oo  dawladda   Sweden   qabanayso  isagoo  dhaleecaynaya  ganacsatada   Reer  Somaliland   ee  ka  qayb  gelaya  shirkaas,     waa  wax  lala   yaabo nin  siyaasi  sheeganaya   oo  xitaa  mararka  qaarkood madaxweyne isu  soo  taagay , ama  

hunguri  ka  galay kursiga  dalka   laga  hoggaamiyo,  inkastoo  shacabkii  ay  diideen ,  waayo  way  yaqaaniin ,   inuu   kala   garan  waayo  ganacsatada    iyo  xisbiyada  siyaasadda    adeer  ganacsigu  xudduud  malaha   meel  kasta   oo  fursad  ganacsi ka  jirtona way  tagaan  waana  ka  ganacsadaan, dalalka  deriska  ah  oo  dhanna  way ka  jiraan  ganacsato   Somalilander   ah  oo deggan  oo  meherado  iyo  ganacsi  waaweyniba  uga  socdo,  iyo  weliba   qaar  R  somalia  ah  oo  hargeisa  deggan  oo ka  ganacsada.

 

ma  jiro   wax  sharci  ah  ama   qodob  dastuuri  ah oo   ganacsiga  xuduud   u  yeelaya , dal  uu  kajiraana  ma  jirto,    haddaba   adeer   xaggeed  ka  keentay

in  shirkadaha   ganacsiga   ee  Somaliland  laga  leeyahay  aanay  ka  qayb gelin  shirarka  ganacsiga  ee   caalamka  ka  dhacaya.    mise   dano  dhaqaale  ayaad  ka  leedahay,   oo  laaluush  baad  ka  doonaysaa  ?   oo  tolow  ganacsatadu  sidaa   wax  ma  ku  bixiyaan ?  kkkkkkk.     waxaa  kaa  soo  dhow  inaad  nagu  tidhaahdo  naagaha  reer  koonfurka  ah  ha  guursanina   iyadoo  aan  ogahay  in  gabadhaadu  tahay   Reer  Baraawe. kkkkk

 

ina   cali  waraabow  yaan  immaan  la;aantu  oodweyn  ku  jiidhsiin,   ee  ku  ekoow   xisbiyada  iyo  siyaasadda.

 

Qore   Ukuli / Hargeisa