Galmudug Wixii Dowladu Magacaawdo Ma’Aqabaleyno Sababtoo ah..

image

Waxaa shirkii Caadiga ahaa ee ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Maamulka Galmudug, oo looga dooday arimo dhawr ah ayaa waxaa ka mid ahaa. Gudiga dib u eegista Dastuurka oo ay magacawday DFS kaas oo aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka.
Hadaba,maamulka Galmdug Waxay si cad u diiday ugana soo horjeedaa, Magacaabistii Guddiga Dib u eegista Dastuurka,
sida ku cada Qodobadda hoos ku qoron,
1 Qodobka 134aad, Firqada 2aad
2 Qodobka 52aad, Firqada (a)
3 Qodobka 51aad Firqadiisa (1)
4 Qodobka 111aad. Firqadiisa (1)
Hadaba Si loo bad badiyo jiritaanka umadnimo, loona gaaro Doorasho xor ah iyo Amni buuxa, Waxay dawlada Galmudug soo jeedinaysaa Qodobada hoos ku qoron,
1, DFS waxay kagaabisay in ay si cadaalad ah u maamusho deeqaha caalamiga ah iyo Dakhlga guaha waxayna is hortaag ku samaysaa hay’adaha caalamiga ah oo doonaya in ay sitoo ah u caawiyaan Dawlad Galmudug.
2. Dawlada Galmudug, waxay dhawraysaa heshiiskii Road map ka , ee lagu ogolaaday dhismaha Dawlada Fadaraalka soomaliya .
3. Dawlada Galmudug waxay beegsanaysaa ku dhaqanka Road Map ka, Sidoo kale, wixii tabasho ah ee ku saabsan Dasturka,waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geeysato.
4. Dawlada Galmudug waxay ugu baaqaysaa dhammaan Saxiixayaashii Road map ka, iyo cuqaasha dhaqanka ee dalka in ay ku baraarugsanaadaan Jabinta Dastuurka iyo Ku tagri falka Dhaqaalaha dalka.
5. Dawlada Glmudug, Waxay ugu baaqaysaa DFS , in ay Dhawraan Dastuurka, shuruucda Dalka, kana hortagaan qalalaase siyaasadeed oo sababi kara iska hor’imaad bulsho oo hor leh .
6.Dowladda Galmudug waxay ugu baaqaysaa ummadda Soomaaliyeed,Dowladaha deriska ah,iyo Bulshada Caalamkaba in dib loo aasaaso Road Map cusub oo lagu gaarayo amni dhab ah,dastuur dhammeystiran,wadaagis dhaqaale oo ku dhisan cadaalad iyo doorasho xor ah 2016ka.

Salaanmedia/Mogdisho