Go’aamada kasoo baxay shirkaa waa u bogayaaye,Arab bari suldaan kuu boqraday aan u baarigo e.Waa tix gabaya oo bogaadin iyo salaan ah:

Waxaan halkan ka salaamayaan dhamaan saxaafada xorta ah iyo akhristayaasha sharafta leh meel ay dunida ka joogaanba. 

DAAWO GABAY CUSUB…. GABAYGII SNM.1988 IYO BURCO,XUSUUSTUU KU QORANYEE NIKAY XULATAY TAARIIKHDU. CABDI WELI YALAS…

Bacda salaan waxaan doonayaa inaan halkan ku soo gudbiyo tix gabaya oo gaaban lkn taakhiir dhab ah iyo hambalyo isugu jirta, waana tan ee ku soo dhawaada.

Tixdan aan bogayga iyo ka jaray beerka iyo laabta

Ee madaxu soo maaxday baan, soo ban dhigayaaye 

 Marka hore salaan baaxad-liyo waa bariidada e

Marka xiga Ilaah baan baryee shirka barakeeye
 
Bali gubadle guuli-hii horaa buuga ugu yaale

Biladii badh baan la idin siin aa ku badiseene

Baan-kay idiin taal libtaa faqash ka baadeene

Abid-kiin badbaada dalkaa bili ku leediine 

Beentiyo Ilaah idin mabarin baqaha waaqiine

Birhaday ka adagtahay runtaa ugu badheedhaane

Barta ay ka noo-shaan talada kaga bilaw daane

Go’aamada kasoo baxay shirkaa waa u bogayaaye

Arab bari suldaan kuu boqraday aan u baarigo e

Burcadaa togdheer iyo  ilaa, boodhlay iyo hawdka

Daan bari ilaa saaxil iyo banan-kan tuuyo oo dhan

Buur iyo beriba waa degaan maalna waa u buuxe

Cabdaluhu(1) Suldaan kay boqreen arabkan baashay-du

Waa baawar noo soo kordhiyo baaxad iyo xooge 

Waa midhi-hii sheekhoo batiyo baho magaaduune(2).

1-Cabdale Arab
2-Habarmagaado

Waa bilaahi tawfiiqBy 
By:C.C.C. Geele.(Ina Yalas)