Go’aankii Saleebaal Gaal Ka Soo Saaray khilaafkii KULMIYE Waxa Lagu Sifeyn Karaa Aargoosi Siyaasadeed oo Salka Ku Haya Cabashadii Siilaanyo

image

 

 

 

 

 

 

 

Go’aankii Saleebaal Gaal Ka Soo Saaray khilaafkii KULMIYE Waxa Lagu Sifeyn Karaa Aargoosi Siyaasadeed oo Salka Ku Haya Cabashadii Siilaanyo ee ahayd 2003-dii Kursiga Waan Ku Guuleystay ee Sheekh Ibraahimbaa Iga Qaaday iyo Cigaal Markii uu Saleebaan Gaal Ku Xidhay Xabsiga Mandheera 2001-kii .

Qormadii 1 aad:

 

Saleebaan Gaal waxaan odhan lahaa odaygii cigaal shiidaad waxaa lag hayaa,geedyahow ma waxaan ku moodayey, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin, Ninbaan ku moodayey , geedbaad se noqotay, waxaan se loo noqon doonin guura gal habeenimo.

Dhaqanka soomaalidu leedahay waxaa weeyi cid kasta oo is qabata inay soo dhex gasho xeer beegti u garqaada,iyadoo xeer beegtidaasina, yeelanaysa hadba miisaanka xaajada ay ka garnaqayso xeerbeegtidaasina waxay awood u leedahay laba qodob marba kii ay doonto ee ay u aragto in ay dani ku jirto.

Labadaasi qodob waxay kala yihiin xeer beegtidu inay qaado gar cadaawe oo uu macnaheedu yahay in la dhageysto muduc iyo mudaca caley oo labada dhinac ee is hayey mid waliba wixii uu ku dooday ee u cadaada oo kaliya loo xukumo.

Nooca labaad ee ay xeer beegtida soomaalidu garta u qaado waa nooca loo yaqaano sulux oo uu macanaheedu yahay in dhinacyadii is hayey wixii ay ku doodeen marka la isku soo ururiyo ee gudidu gara isku noqoto dhinac waliba wixii uu sheeganayey qodobo ka mid ah loo soo qaado qaarna laga duuro.

Arinta kale ee ay soomalaidu dhaqanka u leedahay waxaa weeyi haddii ay xeer beegtidu samayso xad gudub ama cadaalad daro oo ay dhinac si badheedh ah ula safato in aan la diidin , waayo raganimadu waxay ku jirtaa in aad qaadato wax aan xaq laaguugu lahayn sida Muuse biixi Yeelay oo kale gudida khilaafka KULMIYE gashayna ilahaybaa kala xisaabtami doona danbiga ay u badheedheen ee ay qiraalkana ku yihiin, waayo ilaa hada umadda umay soo bandhigin in ay gar cadaawe qaadeen iyo in ay sulux qaadeen.

Maah maah soomaliyeedbaa jirta oo idhaahda ilaahayow aqoon ha nagu cadaabin eexna hanagaga tegin, gudidan khilaafka KULMIYE dhex gashay aqoon daro may haynin iyagaa se qirtay in ay si cad ula safteen Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal iyagoo eegaya masaaliixda aduunyada ee waqtigeedu kooban yahay.

Su’aasha kale ee is weydiinta u baayhani waxay tahay Saleebaan wuxuu ka tirsanaa xisbigii UDUB markii uu xisbigaasi burburayeyna wuxuu joogay magaalada hargeysa ,umanuu saarin gudi golaha guurtida ka tirsan oo wax ka qabata khilaafkii xisbigii UDUB.

hadaba khilaafkii xisbiga KULMIYE markii uu soo dibad baxayna Saleebaan Gaal wuxuu soo cararay isagoo London jooga markaasuu amrkiiba maagcaabay gudi waraabe u taag ah, go’aankii ka soo baxayna wuxuu ahaa mid salka ku hayey colaadii Siilaanyo u qabay gudoomiyihii hore ee guurtida Allaha ha u naxariistee marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo uu siilaanyo si aan qarsoodi ahayn ugu eedeeyo in uu sheikh ibraahim kow ka ahaa odayaashii sababta u ahaa in uu kursiga madaxweynenimo kaga tago 80 cod oo kaliya,isagoo mar marka qaarkoodna siilaanyo sheega in uu doorashadaba ku guuleystay hase heeshee sheikh ibraahim iyo rag la mid ahi ay ka hiiliyeen oo uu sidaasi ku waayey kurigii madaxweynenimo.

Dabayaaqadii 2001-dii ayay ahayd markii uu Saleebaan Gaal uu mucaaradka ku ahaa madaxweyne cigaal madaxna ka ahaa urur siyaasadeedkii ASAD oo uu ka hadlay oo uu waraysi siiyey idaacada BBC-da waxaanu Saleebaan Gaal yihi shantii sano ee cigaal la doortay way dhamaatay hadii ay doorashadu xiligeedii ku dhici weyday dawladi ma jirto ,dadweynaha reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay cashuurta joojiyaan oo aysan wax cashuur ah bixin,arintaasina waxay sababtay isagoo marxuum cigaal eegaya danta guud ee qaranka iyo jiritaanka Somaliland in Saleebaan Gaal loo taxaabo oo lagu xidho xabisga Mandheera.

Maah maah soomaliyeedbaa jirta oo tidhaahda meel aan rabay roob ma igu eryey, iyadoo waxyaabahaasi aynu soo sheegnay oo dhami ay jiraan oo Siilaanyo iyo Saleebaan Gaalba ay raadinayaan fursadii ay kaga faa’iidaysan lahaayeen beesha Subeer Awal ee ay ka soo jeedeen marxuum cigaal iyo marxuum sheikh ibraahim, ayay hadana dayixii iyo dugsigiiba isku beegeen, waxaa hadana muuqata in kursigii marxuum cigaal ku fadhiyi jiray uu maanta siilaanyo ku fadhiyo ,kursigii uu sheikh ibraahim ku fadhiyi jirayna uu maanta Saleebaan Gaal ku fadhiyo.

Halkaana waxaa ka soo baxday kalmada inta badan ay isticmaalaan wariyayaasha ka warama ciyaarta kubadda cagta ee ay yidhaahdaan fursa dahabiya , beesha Subeer Awalna maanta waxay taagan tahay hal nin aad ku baratay kaama khasaarin , baahidii codkuna sanadka danbaba way taagan tahay.

Siilaanyo-na wuxuu ku dadaalayaa kaalinta ay ku baneeyeen iyo codkii uu ka heli lahaa beesha Subeer Awal in uu ku buuxiyo beelo kale, beelahaa kale hadii aad wax ka weydiiso in ay diyaar u yihiin in ay siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE u buuxiyaan kaalinta ay ku baneeyeen beesha Subeer Awal odayaashooda iyo dhalinyaradoodu waxay kuugu jawaabayaan ,waxaanu arkaynaa oo aanu ku quus qaadanay isha cali ka laalaada ,go’aan ka yaguna waa qowda ma qashii waxna ha u qaban.

Hadaba isku soo wada duuboo Go’aankii Saleebaal Gaal Ka Soo Saaray khilaafkii KULMIYE Waxa Lagu Sifeyn Karaa Aargoosi Siyaasadeed oo Salka Ku Haya Cabashadii Siilaanyo ee ahayd 2003-dii Kursiga Waan Ku Guuleystay ee Sheekh Ibraahimbaa Iga Qaaday iyo Cigaal Markii uu Saleebaan Gaal Ku Xidhay Xabsiga Mandheera 2001-kii .

Qormadii 1aad:

La soco taxanahan qormooyinka danbe

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland