Guddiga Dhismaha Jidka Dawga-Cad Ee Waqooyiga Hargeysa Oo Ka Xog Waramay Lacago Lasoo Gaadhsiiyay

image

Hargeysa(SM)Guddiga dhismaha jidka Dawga-cad ee Waqooyiga magaalada Hargeysa, ayaa xog-waran iyo mahadcelin ka bixiyey lacago qaar ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland ee qurbuhu ugu tabaruceen dhismaha waddadaasi.
Xubnaha Guddiga dhismaha Dawga-cad oo shir jaraa’id ku qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxay ku faahfaahiyeen lacagaha loogu soo tabarucay dhismaha jidkaasi oo ay ballanqaadeen inay geli doonto halkii loogu talogalay.
Guddoomiyaha guddigaasi Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahiyey magacyada dad u soo diray lacago iyo mid walba xadiga uu bixiyey, waxaannu yidhi; “Waxaan halkan ku shaacinayaa dad ka mid ah qurba-jooggeenna khayrka qaba oo lacago tabarucaad na soo gaadhsiiyey, kuwaas oo kala ah sidan;
Xuseen Faarax Warsame, wuxuu noo soo diray $ 100
Axmed Yuusuf Siciid, wuxuu noo soo diray $ 200
Faadumo Sheekh Maxamed, waxay noo soo diray $ 142
Faadumo Kabadhe (Oo geeriyootay) dahabkeedii oo la iibiyey ayaa laga soo diray $ 800.
Amaal Maxamuud Axmed, oo joogta Riyaad, waxay soo dirtay $ 4010
Hay’adda EAD, intooda Bristol (UK) joogta, waxay soo direen $ 3050 oo ka dhinnaa xisaabihii hore.”
Eng. Cabdiqaadir Xaashi waxa uu Alle uga baryey dadkaasi inuu khayr ugu bedello tabarucaadkaasi ay la baxeen.
Ugaas Cabdillaahi Cabdi oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa ka warramay dadaallo la xidhiidha dhismaha jidkan Dawga-cad oo ka socda Waqooyiga Maraykanka oo uu isaguna dhawaan ka soo noqday, “Waqooyiga Maraykanka hawl wayn baanu ka gelnay oo aad baa loo dadaalay, Kanada ha u badnaatee lacagta aan ku ogaa ee la ururiyey ee aan kaga imid ee gacanta lagu hayey waxay ahayd ilaa $ 60.000 (lixdan kun oo doollar), ballantayaduna waxay ahayd inay bisha Ramadaan ka soo horreyso, waxaanuna filaynaa inay inoo timaado dhawaan. Dadka hawshaa galay ee aadka ugu dadaalayna waan u mahadnaqayaa, siiba dumarka, waxayna sameeyeen urur ay leeyihiin oo aan hawshaa joojinayn, lacagtaa marka saddex loo qaybiyo laba dumarkaa bixiyay.”
Waxa kale oo uu ugu baaqay guud ahaan dadweynaha gudo iyo dibadba in bisha Ramadaan ee khayrka badan ciddii sako bixinaysaa ay dhismaha jidka gashadaan oo uu ku tilmaamay halka ugu khayr badan, isagoo dadka hore lacagaha u bixiyeyna Alle uga baryey inuu ka abaalmariyaan.
Injineerka gacanta ku haya dhismaha Dawga-cad Eng. Axmed Warsame Siciid iyo Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle oo iyaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay, ayaa u duceeyey cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha jidka Dawga-cad, waxaanay bulshada ugu baaqeen inay aan loo kala hadhin dhammaystirka waddadan oo muhiimada wayn leh.

Salaanmedia/Hargaysa