Guddomiyaha Gobolka Banadir Xasan Maxamed Xuseen (Mungab) oo booqasho ku joogo Wadanka Turkiga oo la kulmay dhigiisa Magaalada Ankara

image
Guddomiyaha G/Banadir Brig. General Xasan Maxamed Xuseen (Mungab) oo
booqasho ku joogo Wadanka Turkiga ayaa maanta la kulmay dhigiisa
Magaalada Ankara ee Caasimadda wadanka Turkiga Mr Alaadin Yuksel oo ah
Gobolo tooraha Gobolka Ankara.

Labada Guddomiye ayaa kulankoodu waxa uu ahaa midkii ugu horeyay oo
ahaa isbarasho iyadoo ay labada mas’uul isla soo hadal qaadeen
ahmiyadda ay leedahay in labada Gobol uu iskaashi dhax maro lagana
wada shaqeeyo dhinacyada Tababarada, horumarinta iyo arrimo kale oo
muhiim ah.

Sidoo kale Guddomiyaha G/Banadir ahana Duqa Magaalada Muqdisho ayaa
maanta kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha hey’adda TICA Mr.
Serder isagoo gudoomiyaha ku amaanay hey’adda TICA wax qabadka la
taaban karo ee ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho
.
Madaxweynaha TICA ayaa goobta shaaca uga qaaday in TICA ay u soo
magacaawday Mas’uul cusub howlahooda Soomaliya isagoo mas’uulka uu
qeeb ka ahaa shirka maanta ay wada galeen Duqa magaalada Muqdisho iyo
Madaxweynaha TICA.

Guddomiyaha G/Banadir ayaa u balan qaaday hey’adda
TICA ee Turkiga in ay ula shaqayn doonaan si hufnaan iyo wax tar ku
jirto iyadoo dhanka TICA ay aad ugu hambaliyeesay Gudoomiye Mungab
wada shaqaynta iyo maamul wanaaga uu ku hogaaminayo Gobolak Banadir
iyo Dowladda hoose ee Muqdisho.

Guddomiyaha Gobolka iyo Hey’adda TICA ayaa sidoo kale isla afgartay
ahmiyadda ay leedahay in tababaro la siiyo shaqaalaha Dowlada Hoose
taaso asaas u ah isku filnaashaha dhan walbo ah uu doonayo in uu gaaro
maamulka G/Banaadir.

Sidoo kale hey’adda TICA ayaa Guddomiyaha balan
qaadyo u sameysay kuwaasoo ku aadan dhanka hirgalinta warshado yar yar
oo wax soo saar ku waasoo laga sameeyo caasimadda Muqdisho iyadoo
taasi ay qeeb ka qaadan doonto shaqo abuurka dhalinyarada caasimadda
Muqdisho.

Abdifitah Omar Halane
Communication Director( BRA