Guddomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Soo Jeediyay In Tiradda Komishanka Qaranka La Kordhiyo

 

Hargeysa(SM)Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa soo jeediyay in Komishanka Qaranka la kordhiyo, taas oo uu ku sababeeyay baaxada ay leedahay doorashada soo socota, isaga oo arimahaas ka hadlaya
waxa uu yidhi .
“Waxaan soo jeedinaynaa in xubnaha Guddida laga dhigo sagaal (9) xubnood . Waxaan waayo arag u nahay inaan todobada xubnood ku filayn xili doorasho, iyada oo loo baahn yahay in xubnuhu u kala baxaan dhamaan Gobolada dalka. Xarunta waa in ay joogaan ugu yaraan saddex xubnood si u sahlanaato xil gudashada culus ee xili doorasho. imageWaxaan kale oo jeedinaynaa in xisbi kastaa soo magacaabo 3 xubnood, loona miisaamo dhamaan gobolada dalka JSL. Arrinta komishanka Qaranka waxaan soo jeedinaynaa in xukkumadda iyo axsaabta qaranku kulan wada tashi dhakhso isugu yimaadaan.”
Sidaas waxa uu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad ambassador loogu qabtay siyaasiyeen ku soo biiray.

Salaanmedia/Hargaysa