Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI Ee Dalka Canada Suhuur Xasan Abiib Oo Fariin U Dirtay Shacabka Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Wadamada Dibadda

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI Ee Dalka Canada Suhuur Xasan Abiib Oo Fariin U Dirtay Shacabka Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Wadamada Dibadd

531

June 23, 2014 Toronto (SM) – Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI ee dalka Canada Suhuur Xasan Abiib, ayaa ka hadashay qiimaha ay shacabka reer Somaliland u leedahay maalinta 26 June oo ay ku tilmaamatay inay tahay maalintii aynu xorrnimada ka qaadanay Guumeystihii Ingiriiska 26 June 1960-kii. Sidaa waxay Marwo Suhuur Xasan Abiib ku sheegtay qoraal ay ka soo saartay dalka Canada,waxaana maalintaas inaga xiga dhowr maalmood.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI ee dalka Canada Suhuur Xasan Abiib ayaa waxay tidhi“26 June maaha maalin ay awoow-yaasheen qaldameen oo ay Soomaaliya inagu dareen iyaga oo aan ka fiirsanin, wax shuruud ahna ku xidhin la midowgii”.

“Waxaan leeyahay ragga ka soo jeeda Soomaaliya ee degen Magaalada Toronto, ayaa raba inay 26 June u isticmaalaan maalin Soomaaliya calankeeda laga hortaagay Barlamaanka hortiisa, haddii aanu nahay reer Somaliland kuma raacsanin arrintaasi, maalinta 26-June waa maalin ku qaaliya shacabka reer Somaliland, waayo maalintii ay ka qaateen xorrnimada guumeystihii Ingiriiska”.Ayey tidhi Suhuur Xasan Abiib

“Sidaa daradeed waxaan leeyahay waa in laga tashadaa arrintaas waa tallo qarane inta wax kale lagu mashquuli lahaa oo la is-wada gaadhsiiyaa”.Ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib.

Salaanmedia/London