Gudida Haweenka Xisbiga WADDANI Ee Laanta Finland Oo Ay Weheliyaan Xubno Ka Mid Ah Taageerayaash Xisbiga Oo Shir Is Xog Waraysi Ah Ku Qabsaday Caasimada Dalka Finland Ee Helsinki.

3

 

 

 

 

 

 

Gudida Haweenka Xisbiga WADDANI Ee Laanta Finland Oo Ay Weheliyaan Xubno Ka Mid Ah Taageerayaash Xisbiga Oo Shir Is Xog Waraysi Ah Ku Qabsaday Caasimada Dalka Finland Ee Helsinki. Written by: Daauud Published: Jun 27, 2014 @ 13:15 Gudida Haweenka Xisbiga WADDANI Ee Laanta Finland Oo Ay Weheliyaan Xubno Ka Mid Ah Taageerayaash Xisbiga Oo Shir Is Xog Waraysi Ah Ku Qabsaday Caasimada Dalka Finland Ee Helsinki. Waxaa Shalay Ka Dhacay Magaalada Helsinki Ee Dalka Finland Shir Ay Isugu Yimaadeen Gudida Dumarka Ee Xisbiga WADDANI Shirkaas Oo Xubno Taageeryaasha Xisbiga Ah Ay Goob Joog Ka Ahaayeen Oo Ka Dacay Magaalada Helsinki Xaafada Vantaa,

2

 

 

 

 

 

 

Shirakaas Oo Ku Saabsanaa Is Xog Waraysi Xaalada Xisbigu Halkay Marayso Dalka Gudihiisa Iyo Debediisaba Garahaan Finland, Iyo Guud Ahaan Xaalada Dalka Halkay Marayso , Shirka Oo Mudo Saacado Ah Socday Ayaa Lagu Furay Aaydo Qur´Aan Ah Taas Oo Lagu Xigsiiyay Wacdi Ku Saabsan Soonta Barakaysan Fadligeeda Oo Lagu Baraarujiyay In Loo Feejignaado Khayraadka Bisha Ramadaan Qur´Aankaas Iyo Xadiiskaa Oo Ay Halkaa Ka Akhriday Kana Jeedisay Marwo Shamis.

1

 

 

 

 

 

 

Ka Dib Waxaa Halka Kemado Koonban Oo Dhaxl Gal Ah Ka Jeediyay Gudoomiyah Garabka Haweenka Ee Xisbiga WADDANI Marwo: Xaliimo Mahxamed Xussen Kelmedahaas Oo Xog Waran U Badnaa Xaalda Xisbigu Halka Ay Marayso Debed Iyo Gudaba Iyo Sidii Loo Dardar Gelin Lahaa Hawlha Xisbiga Ee Laanta Dhinac Kasta. Iyada Oo Ay Halkaa U Dhaaftay Gudoomiye Xigeenka Marwo: Deeqa Maxamed Aadan Oo Ku Dheeraatay Sidii Loo Dardar Gelin Lahaa Hawlaha Laanta Guud Ahaan Iyo Gaar Ahaana Ta Garbaka Haweenka Kana Warantay Haweenku Inay Yihiin Bulshada Qaybta Ugu Badan Wax Tarka Ugu Badana Uu Xisbigu La Barbar Taagnaandoono Inta Uu Xisbiga Yahay Iyo Markuu Talda Dalka Qabtoba, Iyada Oo Halka Ka Akhriday Qaybo Ka Mid Ah Barnaamijka Xisbiga WADDANI Qaybo Khuseeya Dumarka Iyo Caruurta.

Waxa Iyana Kelmado Ka Tidhi Xoghaynta Xidhiidhka Debedaha Marwo: Canab Axmed Goox Kuna Dhiirisay Dumarka Somliland Oo Dhan Sidii Ay Siyaasada Uga Qayb Qaadan La´Haayeen Maadaama Ay Yihiin Bulshada Somaliland 60% Yihiina Hooyooyinka Bulshada Toosinkara Kana Saari Kara Baahiyo Badan Oo Ina Hortaagan. Shirkaas Oo Ku Soo Gebo Geboobay Jawi Aad Farxad Leh Oo Heer Sare Ah Iyo Casho Sharaf Ay Ku Khatinteen.


Waddani Media

A I Arte.