Gudomiyaha Xisbiga WADDANI Ee SWEDEN Baxnaan Xajji Aadan Oo Hargeysa Lagu Soo Dhoweeyay

Hargeysa(SM)Saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI Oo ay kamid yihiin Gudomiyaha Xisbiga Ee Gobolka Maroodi jeex, Xoghayaha Gobolka, Xoghayaha Xanaanda Xoolaha Ee Xisbiga Gudomiyaha Dhalinyarada Ee Dalkaasi Sweden Xubno kale iyo Taageeryaal tiro badan Ayaa maanta madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ku qaabilay Gudomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Dalka SWEDEN Baxnaan Xaji Adan oo Hargeysa Soo Gaadhay.

Gudomiyaha Gobolka Maroodijeex Shiine oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay si diiran dalkiisa ugu soo dhoweynayaan masuulkani.

Xoghayaha Xanaanada xoolaha Xisbiga WADDANI Hassan Goodaad oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa dalka kusoo dhoweeyay masuulkani isagoona ku amaanay taageerada Reer Sweden ee ay la garab taagan Yihiin Xisbiga WADDANI.

IMG_2631

Gudomiyaha Dhalinyarada Xisbiga WADDANI Ee Dalka SWEDEN Maxamed Xidig Oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa ka waramay heerka taageero dhalinyaro ahaan ee xisbiga WADDANI Ka haysto Dalkaasi Sweden Isagoona dhalinyarada dalka iyo kuwa dibadaba ku booriyay inay taageeradooda siyaan xisbiga Waddani si ay dalka wax Uga noqdaan ayuu Yidhi Xidig.

Gabagabadina waxa halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Gudomiyaha SWEDEN Ee xisbiga Waddani Baxnaan Xajji Adan oo ka warbixiyay ka taageerada hagar la’aanta ah reer Sweden U hayaan xisbiga isagoona ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay inay gamacaha isu qabsadaan taageeryaasha xisbigu dal iyo debedba Baxnaan waxa uu shacbiga Hoga tusaaleeyay dariiqa badbaada dalku ku jirto taageerada xisbiga WADDANI.

IMG_2605IMG_2605IMG_2639IMG_2614IMG_2593IMG_2638IMG_2636IMG_2635IMG_2631IMG_2630IMG_2628IMG_2627IMG_2618IMG_2613IMG_2607IMG_2603IMG_2602IMG_2601IMG_2600IMG_2589IMG_2576

Salaanmedia/Hargaysa