Gudomiye Xigeenka Saddexaad Ee WADDANI Oo Hargeysa Lagu Soo Dhoweeyay Kana Hadlay Safar Uu Kaga Soo Laabtay Dalka Maraykanka

imageimage

Hargeysa(SM)Gudomiye Xigeenka Sadexaad Ee Xisbi Mucaaridka WADDANI Qaasim Sheekh Yuusuf TUBEEC ayaa maanta sii diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Hargeysa kadib safar in muddo Ah qaatay oo ugu maqnaa Dalka Dibaddisa.
Xoghayaha Guud Ee xisbiga WADDANI Siyaasi UURCADDE, Xoghaye Xigeenka, Gudomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Iyo masuuliyiin kale ayaa Madaarka Cigaal kaga Hortegey Masuulkani.

 
Ugu Horaynbana waxa halkaasi Ka Hadlay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Siyaasi UURCADE oo sheegay oo soo dhoweeyay soo gurya noqoshada Masuulkani oo uu sheegay in uu safaro shaqo ugu maqnaa Dalka Dibaddisa .

Gudomiye Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga WADDANI Qaasin Tubeec oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay Maxsuulka socdaalki uu mudada ugu maqnaa Dalka Mareykanka oo kulama kula soo qaatay taageerayaasha laamaha Kala duwan Ee Magaaloyinka Dalkaasi USA.
Waxana Uu yidhi
” Heerka xisbiga Waddani ee dalka maraykanka aan kusoo arkay waa mid aad usarreeya tageerayaal badan haday noqoto mutacalimiintii cid walba way kusoo biirtay aad baa loo danaynayaa mawqifkeenuna wa in dalka loo gurmaddo Waddani aad iyo aad baanu udedaalayaa dedaalka xisbiguna maaha mid cid loo jeedo ee wa in dalka loo gurmaddo dadka debedu aad waxay isu waydiinayaan shaqa la’aanta dhalinyarada ee dalka ka jirta”
Geesta kale Qaasim Waxa uu ka hadlay dareenada la xidhiidha in doorashaddu dib udhacdo oo uu sheegay inaan marnaba laga yeeli doonin Xukumada wax walba oo dib udhac ku keeni kara doorasha xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda
Qaasin Tubeec Ayaa wax laga waydiiyay Tuhuno la xidhiidha in uu yahay Murashax utaagan Jagadda Madaxweyne Xigeenimo Ee Xisbiga WADDANI waxana Uu Yidhi
”Salaad walba goorteeda la tukaddaa anagu xisbiga iminka tartan maskaxdayada kuma jiro waxa maskaxda yada Ku jiri xisbiga Sidaan u abuuri lahayn ee Wax uga dhigi Lahayn markaa ninka qooqani isagaa hadhow iska soo bixi doona xeerkayaguna Saasu sheegayaa” ayaa Qaasin Kusoo koobay su’aashaasi.

Salaanmedia/Hargaysa